5 cudur oo aadan ogayn inuu TUFAAXU u roon yahay (Waxaa ku jira cudurro halis ah)

0

(Hadalsame) 03 Jan 2023 – Tufaaxa waxaa ku jira fitamiinno iyo maaddada fiber-ka ee caloosha u fiican, wuxuuna ka mid yahay miraha u wanaagsan caafimaadka, sida ay sharraxeyso Nicola Shubrook oo ku takhasustay cuntooyinka nafaqada leh kana howlgasha dalka UK.

Tufaaxu waxa uu leeyahay midabyo kala duwan, wuxuu u kala baxaa ku dhowaad noocyo gaaraya ​​2,000, waxaad arkeysaa tufaax cagaar ah, mid leh midabka huruuddda iyo casaan ah, dhadhankooda wuu kala duwan yahay.

Tufaaxa waxaa ku jira nafaqooyin kala duwan oo isugu jira, borotiin, fitamiin C, maaddada potassium iyo carbohydrates.

Faa’iidooyinka caafimaad ee shanta ah ee laga helo tufaaxa

1. Wuxuu hoos u dhigaa heerka kolestaroolka

Tufaaxa waxaa ku jira maaddada pectin oo ah fiber dabiici ah oo laga helo dhirta.

Cilmi-baaris dhowaan lagu daabacay joornaalka Yurub ee ka faallooda nafaqada ayaa lagu ogaaday in cunista tufaaxa uu ku badan yahay maaddada pectin-ka ayna saameyn ku leedahay hoos u dhigista heerka kolestaroolka.

Sidoo kale daraasad kasoo baxday akadeemiyadda nafaqada waxay muujineysaa in cunista qiyaastii 75g oo tufaax ah oo la qallajiyey (qiyaastii laba xabbo oo tufaax ah) ay ka caawisay hoos u dhigista kolestaroolka gaar ahaan haweenka uu ka go’ay dhiigga caadada.

2. Waxaa laga yaabaa in uu ka hortago cudurka macaanka

Maaddaama tufaaxa uu ka baxo maaddada fiber-ka haddii ay ku darsanto maaddada kale ee isla tufaaxa laga helo ee flavonoid-waxay ka qeyb qaadanayaan inay xoojiyaan dareenka ka dhasha maaddada insulin taasoo muhiim u ah maarreynta miisaanka qofka iyo ka hortagga cudurka macaanka.

Tufaaxa

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

3. Tufaaxa wuxuu ka hortagga cayilka

Cilmi-baaris lagu sameeyay xayawaannada qaar waxay muujiyeen in maaddada pectin ee uu soo saaro tufaaxa ay gacan ka geysan karto nidaaminta microbiome-ka (bakteeriyada mindhicirka waxtarka u leh), taas oo iyadana laga yaabo inay ka hortagto cayilka iyo cudurrada kale ee ka dhasha xasaasiyadda.

Daraasadaha lagu sameeyay bini’aadamka waxay sidoo kale u muuqdaan kuwo rajo leh, laakiin cilmi-baaris dheeraad ah ayaa loo baahan yahay oo ku saabsan tufaaxa.

4. Waxaa laga yaabaa inuu ka hortago cudurrada wadnaha

Tufaaxa ayaa qani ku ah maaddada quercetin, cilmi-baaris ay sameysay Jariidada laga leeyahay Mareykanka ee ka faalloota arrimaha nafaqada waxay ogaatay in dadka ay jirkooda ku badan tahay maaddada quercetin ay yihiin dadka ugu horreeya ee cuno tufaaxa kuwaasoo ay yartahay halista ah inay ku dhacaan cudurrada daba dheeraada oo ay kamid yihiin neefta iyo cudurrada wadnaha.

5. Tufaaxa lafaha ayuu u fiican yahay

Isticmaalka khudradda iyo miraha ayaa loo maleynayaa in lala xiriiriyo xoojinta caafimaadka lafaha.

Natiijooyinka ka soo baxay daraasad lagu sameeyay haween caafimaad qaba ayaa soo jeedinaya in tufaaxa, gaar ahaan uu xoojin karo heerka maaddada calcium-ka jirkeenna ee xoojiya xoogga lafaha.

BBC

Hadalsame Media