Wakaaladaha wararka caalamiga ah oo bilaabay inay ka hadlaan xasaradda Laascaanood (Tirada dadka dhintay)

0

(Laascaanood) 02 Jan 2023 – Howlwadeenka caafimaadka ee Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qofi ay ku dhinteen qalalaasha ka dhacay magaalada Laascaanood, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Waxay intaa raaciyeen in tobannaan kale ay ku dhaawacmeen iska horimaad todobaadkii la soo dhaafay dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaal ka soo horjeeda nidaamka halkaa ka taliya.

Waxaa sii xoogaysanaya codadka dhinacyada kala duwan ka imanaya ee dalbanaya in Maamulka Somaliland uu ka baxo magaaladaasi gebi ahaanba si xasaradda loo dejiyo.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in xaaladda ka taagan magaalada Laasacaanood ay ka dhalatay dayac ka yimid dhanka xukuumadda Somaliland, maadaama sida uu sheegay in muddo ahba halkaa dilal loogu gaysanayey dad ahaa wax-galka bulshada oo aan waxba laga qaban.

Cabdirisaaq Khaliif, Guddoomiyaha Ggolaha wakiillada, ayaa ku eedeeyey Maamulka Somaliland inay ciidamo u adeegsadeen dadka shacabka ah ee dhigayey dibadbaxyo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilalalka joogtada noqday.

Hadalsame Media