Mykhailo Mudryk ayaa si dadban ugu ”il-jebiyey” mid ka mid ah kooxaha Horyaalka Ingiriiska (Waa kooxdee?)

0

(Hadalsame) 01 Jan 2022  Laacibka Mykhailo Mudryk ayaa waxaa wada raadinaya kooxo fara badan oo ay ugu cadcad yihiin kuwa ka dheela Horyaalka Ingiriiska oo haatan dib u furmay kaddib bareeggii Koobka Adduunka.

Laacibkan ayaa waxa uu daawanayey ciyaartii guriga Brighton ee Premier League ee ay Arsenal la ciyaartay habeenkii xalay ahaa ee uu soo gelayey sanadka cusubi – waxa aanu bulshada la wadaagey xushmadda uu u hayo labada macallin ee kooxahan.

Waxaa uu ahaa dareen micne wayn xambaarsan oo ka yimid ciyaaryahanka Shakhtar Donetsk kaasoo ku aaddan kooxda sida wayn u baacsanaysa ee Arsenal oo muddo lala xiriirinayo garabka reer Ukraine, kaasoo 22 jirsan doona bishan Janaayo 5-teeda.

Mudryk ayaa faafiyey sawirka labada macallin ee Brighton Roberto De Zerbi oo horay u laylinayey kooxda Shakhtar iyo dhiggiisa Arsenal ee Mikel Arteta, isagoo ciwaan uga dhigay “2 tababare oo sare”.

Mudryk, oo 21 jir ah, ayay jamaahiirta Shakhtar u doorteen ciyaartooyga sanadka markii labaad oo xiriir ah jimcihii dorraad ahaa.

Hadalsame Media