”Waxaan dilney MAS wayn kaddibna waxaa nasoo weeraray dadkii xaafadda” – Arrin qosol badan oo wiilal Somalia ah ku qabsatay dalka Nepal

0

(Kathmandu) 31 Dis 2022 – Soomaalidu waxay ka kala dhacday daafaha dunida waxaana lala kulmay dhaqamo, diimo, afaf iyo hiddeyaal kala geddisan oo ay qaarkood aad u sirgaxan yihiin.

Waxaa dadkaa ka mid ah weriye Haaruun Yuusuf Khasaaro oo hadda kahor mar uu ku noolaa magaalada Kathmandu ee caasimadda Nepal kula kulmay dhacdadan maadda badan leh. Wuxuu ku bilaabay sidatan:

“Habeen habeenada ka mid ah annagoo saddex qof ah ayaa waxaa gurigii aan deganayn noosoo galay mas wayn, waxaana na dhexmarey dagaal saacado socdey aakihirkii markaan maskii dilney ayaab bannaanka soo dhignay, kaddib se maxaa Dhacay?

”Dadkii Xaafadda ayaa nagu soo baxay kuwaasoo qaar ay barooranayaan, qaarna ay ulo iyo faasas wataan si ay noo dilaan, waxay ku qaylinayaan “Ma waxay maanta dileen ilaahii aan caabudayney?”

”Deeto aad baan u aragagaxnay waxaa markii dambe goobta yimid booliiska oo noo kaxeeyey dhanka saldhiggaa waxayna noo sheegeen in waddankan aan masaska la dilin oo qaar ka mid ah Bulshada baa caabuda waxayna Booliisku nagu wargeliyeen in haddii aan mas aragno aan Booliiska kusoo wargelinno si ay nooga saaraan.”

Hadalsame Media