”Waa mid aan ku kala tegni karno” – Maraykanka oo weli ku adkaysanaya xeer ay liqi la’yihiin dalalka EU (Daawo)

0

(Hadalsame) 31 Dis 2022 – Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga ee Giorgia Meloni ayaa ku baaqday in Midowga Yurub ay noqdaan kuwo Maraykanka ka madax-bannaan dhaqaale ahaan kaddib sharciga cusub ee Maraykanka kaasoo dhigaya wershadaha EU ay ku adkaato inay la tartamaan dhiggooda Maraykanka, sida ay qortay Bloomberg.

Meloni oo ka hadlaysa shirka jaraa’id ee dhamaadka sanadka ee Rome, waxay ku boorrisay Midowga Yurub inay dhisto silsiladeeda sahayda ee wershadaha muhimka ah si ay uga jawaabto sharciga dhimista sicir bararka Maraykanka (IRA), kaasoo uu $360 bilyan oo Doollar uu Madaxwayne Joe Biden saxiixay bishii Agoosto , sida ay sheegtay warbaahintu.

EU sidoo kale waa inay dib u eegis ku sameeyaan xeerarkooda ku saabsan kaalmada dowladuhu siiyaan wershadaha iyo xoojinta kormeerka silsiladaha sahayda ee wershadaha sida kuwa sameeya chips-ka kombuyuutarrada, kuwa baabuurta sameeya iyo tamarta la cusboonaysiin karo, sida ay tiri Meloni.

Sharciga Maraykanku waxa uu kharash badan oo kab ah siinayaa shirkadihiisa, kuwaasoo ay ku jiraan cashuur-dhaaf loo samaynayo wershadaha, gaar ahaan shirkadaha sameeya gawaarida beteriga ama korontada ku shaqeeya iyo xitaa macaamiisha iibsanaysa. Meloni ayaa ku doodday in Washinngton ay takoortay shirkadaha Yurub.

Wasiirka dhaqaalaha Talyaaniga Giancarlo Giorgetti ayaa horraantii bishaan ka digey in shirkadaha qaar ay durbaba ka fikirayaan inay u guuraan Maraykanka, taasoo noqon doonta “musiibo.”

Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub, oo uu ku jiro MadaxwAynaha Faransiiska EE Emmanuel Macron, ayaa horay u dhaleeceeyay sharcigan, isagoo tibaaxay in laga yaabo inuu “kala qaybiyo reer Galbeedka.”

EU ayaa ka fikiraysa inay qaaddo tillaabo middi middi ku taag ah haddii aysan Washington wax ka qaban walaaceeda.

Hadalsame Media