Ronaldo oo durba saamayn FIICAN ku yeeshay kooxda Al-Nassri balse ilbiriqsigii imisa ayuu ka qaataa?

0

(Hadalsame) 31 Dis 2022 – Cristiano Ronaldo ayaa xalay si rasmi ah ugu biiray kooxda Al-Nassri ee dalkaasi Sucuudiga.

Ronaldo ayaase durba saamayn ku yeeshay kooxdan ka dhisan magaalada Riyaad ee caasimadda Sucuudiga Carbeed.

Waxas mar qura si tarab tarab ah u tarmay taageerayaashii raacayey kooxdan oo awal kumannaan ahaa balse haatan malaayiin isu rogey dhinacyada Twitter, Instagram IWM.

Waxaa sidoo kale aad u korodhay iibsiga funaabadda buluug-jaallaha ah ee ay kooxdu ku ciyaarto iyadoo ay jamaahiirtu dalbanayso lambarka 7-aad ee uu xiddiggani caanka ku yahay.

Yeelkeede, kharash yar uguma kicin inay helaan adeegga qawaarka qabka miiran ah ee Ronaldo oo ilbiriqsigii oo qura, hadde waa ilbriqsigii oo qura qaadan doona lacag ku dhow 7 Euro.

Hadalsame Media