Maxaa kala qabsaday laacibka Vinicius Jr & Taageerayaal kula kacay arrin anshax xumo ah (Muxuu sameeyey?)

0

(Madrid) 31 Dis 2022 – Xiddigga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Vinicius Jr ayaa u muuqda mid bartilmaameed u ahaa taageerayaasha kooxda Valladolid kulankii ay kooxdiisu 2-0 kaga badisay Horyaalka La Liga habeenkii Jimcaha.

Waa ciyaartii ugu horreeysey ee Real Madrid ay dib u soo laabato tan iyo bareeggii Koobka Adduunka, dhacdada ayaa dhacday daqiiqadii 88-aad ee ciyaarta markaasoo Vinicius Jr lagu bedelay Luka Modric.

Waxa soo baxay muqaal muujinaya xiddigga reer Brazil oo garoonka ka baxaya balse isagoo socda goosha gadaasheeda qayb ka mid ah taageerayaasha Valladolid ayaa lagu bilaabay in sidii daanyeerka loogu dhawaaqo.

Taasi waxay keentay in uu sheey yar oo uu gacanta ku hayey uu qaab lug iyo gacan ah uu ugu laado dhanka taageerayaasha Valladolid.

Hadalsame Media