Kaddib tillaabada uu Ronaldo qaaday taageerayaasha Man Utd oo hal LIB u qiray Erik Ten Hag

0

(Hadalsame) 31 Dis 2022 – Taageerayaasha Manchester United ayaa ku adkaystay in tababare Erik ten Hag uu ku saxsanaa sidii uu wax u maareeyey oo ay ku jirto kaydintii uu aadka uga xumaaday Cristiano Ronaldo.

Laacibkan Bortuqiisku waxa uu haatan ugu dambayn dhamaystiray ku biiristiisa qaabka bilaashka ah ee uu ugu wareegey kooxda Saudi Arabia ee Al-Nassr fiidnimadii Jimcaha.

Qandaraaskii Ronaldo ee United ayaa la fasaqay 22-kii Nofeembar kaddib waraysi qarxis ahaa oo uu la yeeshay Piers Morgan kaasoo uu ku dhaleeceeyey kooxda Man United.

Tababaraha Holland ayaa inkastoo uu markii uu ka yimid Ajax xagaagan, uu markii hore  sheegay in Ronaldo uu qayb ka yahay qorshihiisa, misna 37-sano jirkan ayaa kursiga kaydka la dhigay kahor bixitaankiisa.

Hadalsame Media