11 ka tirsan dadkii ugu saamaynta cuslaa ee dhintay sanadkan 2022 ee maanta dhamaanaya

0

(Hadalsame) 31 Dis 2022 – Sanadkan dhammaadka ah ee 2022, waxaa dunida ka baxay dad badan oo magac dheer ku lahaa dunida, kuwaas oo geeridoodu ku timid sababo kala duwan, waxaana liiskana ku eegeynaa 11-kii qofood ee geeridoodu ugu saameynta badneyd 2022, waloow ay jiraan shakhsiyaad kale muhiim ahaa dunida ka baxay.

1. Boqoraddii Britain Queen Elizabeth II, oo aheyd boqoraddii ugu muddada dheereyd ee taariikhda UK, ayaa 8-dii bishii Sebtember geeriyootay ayada oo 96 jir ah.

Queen Elizabeth ayaa aheyd boqorad tan iyo 1952-kii, markaasi oo ay beddeshay aabbaheed Boqor George VI, waxayna xilka boqortooyada haysay 70 sano.

2. Allah ha u naxariistee waxaa 18-kii Agosto 2022 isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ka mid ahaa shaqsiyaadka lafdhabarka u ah fanka Soomaalida. Hadraawi wuxuu sameeyey riwaayado, heeso iyo buugaag caan ah. wuxuu ahaa da’da 79 jir.

3. Mikhail Gorbachev, hoggaamiyihii ugu dambeeyay ee Midowga Soviet, soona afjaray dagaalkii qaboobaa ee aan dhiig ku daadan, balse ku guul-darraystay in uu ka hortago burburkii Midowgii Sofiyeeti ayaa geeriyooday isaga oo 91 jir ah 30-kii bishii Augusto.

Wuxuu saxiixay heshiisyo dhimis hubka ah oo uu la galay Mareykanka iyo iskaashi uu la sameeyay quwadaha reer galbeedka, si meesha looga saaro caqabadaha adag ee siyaasadeed, militari iyo fikir ee kala qeybiyay Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee Adduunka, loona keeno dib u midoobidda Jarmalka.

4. Allaha ha u naxariistee Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi oo ahaa caamil weyn ayaa 26-kii Sebtember 2022, isaga oo 96-jir ahaa ku geeriyooday waddanka Qadar. Waxa uu ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ururka Ikhwaanul Muslimiin ee Masar laga mamnuucay. Al-Qaradawi ayaa dibad-joog ahaan ugu noolaa dalka Qatar wixii ka dambeeyey markii militariga Masar ee uu hoggaaminayey al-Sisi ay afgambiyeen dowladdii ay hoggaaminayeen Ikhwaanul Muslimiinka.

Dalalka Baxreyn, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa Al-Qaradawi ku daray liiska ururada iyo shaqsiyaadka argagixisada ee 2017-kii ay dartood xiriirka ugu jareen Qatar. Qatar waa ay beenisay eedaymahaas.

5. Ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa toogasho lagu dilay 8-dii bishii July, xilli uu ku sugan goob uu ka socday olole doorasho. Wuxuu ahaa 67-jir.

Dilka siyaasiyigii ugu caansanaa Japan ayaa yimid ayada oo Japan ay leedahay mid ka mid ah xeerarka ugu adag ee xakameynta hubka.

6. LUC MONTAGNIER, oo oo u dhashay Faransiiska, kana mid ahaa seynis yahannadii helay fayruska HIV, kuna guuleystay abaalmarinta Noble-ka ee dhinaca daawada ayaa geeriyooday bishii February 10-keedii. Wuxuu ahaa 89-jir.

7. Madeleine Albright, oo ahayd haweeneydii ugu horreysay ee Xoghaye Arrimaha Dibadda ka noqota Mareykanka, ayaa u geeriyootay cudurka Kansarka 23-kii Maarso 2022. Madaxweyne Bill Clinton ayaa Albright u doortay diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka sannadkii 1996-kii, waxayna xilkaas kusoo shaqeysay afartii sano ee ugu dambeysay ee maamulkii Clinton. Waxay hore u ahayd safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay. Waxayna aheyd 84-jir.

8. Shireen Abu Akleh oo aheyd wariyihii TV-ga Al-jazeera ee Daanta Galbeed ayaa ciidamada Israa’iil bishii May 11-keedii ‘toogasho ku dileen’ sida ay sheegtay shabakadda waddanka Qadar. Al-jazeera ayaa kiiska dilka wariyahan u gudbisay Maxakamadda Dambiyada Caaalamiga ah ee ICC. Abu Akleh, oo aheyd weriye caan ah oo u dhalatay Falastiin, ayaa sidoo kale heysatay dhalashada Mareykanka. Waxay aheyd 51-jir.

9. JOSE EDUARDO DOS SANTOS oo muddo 38 sanadood ah xukumayay waddanka Angola ayaa geeriyooday July 8-dii. Wuxuu ahaa 79-jir.

10. Jiang Zemin, oo ahaa hoggaamiyihii Shiinaha oo xukunka la wareegay 1989 kadib mudaaharaadyadii fagaaraha Tiananmen, sababayna 10 sano oo korriimo degdeg ah ayaa geeriyooday bishii November 30-keedii. Wuxuu ahaa 96-jir.

11. Boqorkii Kubadda Cagta ee reer Brazil, Pele, ayaa geeriyooday 29-kii bishan December isaga oo da’diisu ay tahay 82 jir. Pele ayaa saddex jeer ku guulaystay koobka adduunka, isaga oo ka mid ahaa ciyaaryahannaddii ugu wanaagsanaa ee soo mara kubadda cagta adduunka.

Wakaaladda wararka ee AFP, Reuters, AP & VOA.

Hadalsame Media