RASMI: Cristiano Ronaldo oo ugu dambayn u wareegey kooxda Al-Nassr (Arrin la filayey oo aan dhicin)

0

(Hadalsame) 30 Dis 2022 – Cristiano Ronaldo ayaa u wareegey kooxda ka dhisan Saudi Arabia ee Al-Nassr heshiis qaali ah oo uu sanadkii ku qaadanayo £175 milyan ginni kaddib markii uu ka tegey Manchester United bishii Nofeembar.

Ronaldo, oo 37-jir ah, waxa uu ahaa laacib xor ah kaddib markii uu ka tagay United kaddib waraysigii foosha xumaa ee uu la yeeshay Piers Morgan.

Heshiiska Ronaldo ayaa la fahamsan yahay inuu yahay 7 sano, iyadoo jookarka reer Portugal uu ciyaari doono kahor inta uusan qaban door safiirnimo, iyadoo uu mushaarkiisu uu kordhi doono marba marka ka dambaysa.

Go’aanka uu ugu wareegay Sucuudiga ayaa waxa uu si wax ku ool ah usoo afjarayaa xirfaddiisii heerka sare. Waxaa loo malaynayey in Ronaldo uu rajaynayey inuu u wareego koox Champions League ciyaaraysa laakiin taasi iminka may dhicin.

Hadalsame Media