“Waxaan ku lugaynayney jid xiran waxaana na dhaafay 2 gaari oo 3 laxood sida” – Maanta & Muqdisho + Sheeko qosol badan

0

(Muqdisho) 29 Dis 2022 – Waxaa weli xiran waddooyinka magaalada Muqdisho oo haatan kusii socota maalintii 4-aad waxaana sheekooyinka yaabka leh ee cadaalad darrada iyo xukunka aan loo sinnayn muujinaysa sheekadan oo uu nala wadaagey Ibraahim Xasan. Wuxuu ku bilaabay:

“Waddada oo xirnayd ayaan lugteena maalayney, waxaa laammiga oo firaaqo ah kusoo socdo gaari Cabdi Bile ah oo uu ka dambeeyo gaari Land Crusier ah oo aan u fahanney in uu galbinayo.

“Markaas ayuu Hassan Jii dhahay” halka mar ee aan jeclaysto in aan masuul naqdo waa markan oo kale oo sidaan la ii galbinayo iyadoo waddana aysan iga xirmin”.

“Intii aan jawaab bixin ayaa waxaa nagu yimid misana na dhaafay labadii gaari, midkii dambe ee la galbinayey markii aan fiirinnay waxaaba kaliya saaran 3 neef oo Ido ah.

“Jacaylkiinna Allaha idiin sahlo!” ayuu nagu yiri nin oday ahaa oo sheekadeenna maqlayey.

War bal waddooyinka hanaloo furo!.

Hadalsame Media