”Reer Galbeedku waxay wadaan qorshe ay ku khaarajinayaan Putin” – Ruushka oo caddeeyey jawaabta uu taa ka bixinayo

0

(Moscow) 29 Dis 2022 – Reer Galbeedku waxay raadinayaan fursad ay ku dilaan Vladimir Putin taasoo dunida gelinaysa halita dagaal nukliyeer ah, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kremlin-ka.

Eedaynta diblamaasiga ugu sarreeya Ruushka ee Sergei Lavrov ayaa ka mid ah saadaasha xun ee sanadka dhalanaya ee 2023-ka ee ka imanaya saaxiibada ugu dhow ee kaligii taliyaha Ruushka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee ruug-caddaaga ah ee Lavrov ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee TASS in ‘saraakiil is qarinaysa’ oo ka tirsan Pentagon-ku ay si cad u maleegayaan isku dayga khaarajinta Putin.

“Washington waxay wadda qorshe, sida ay sheegeen “saraakiil aan la magacaabin”, kaasoo ay ku gaysanayaan ”jug madax goyn ah” oo loo gaysto Kremlin-ka, taas oo dhab ahaantii ah isku dayga dilka Madaxwaynaha Ruushka,” ayuu yiri Lavrov.

Waxa uu ka digey: ‘Haddii fikradaha noocan oo kale ah uu dhab ahaantii qof ka fikirayo, markaa qofkani waa inuu si fiican uga fikiraa cawaaqibka suurtagalka ah ee qorshayaashan.”

Hadalsame Media