Pelé oo hadda geeriyoodey & Taariikhdiisa oo kooban (Arrin uusan jirin laacib la wadaaga)

0

(Hadalsame) 29 Dis 2022 – 23 Oktober 1940-kii ayuu ku dhashay degaanka Minas Cerais ee wadanka Brazil.

Naadigii Santos ee carra Brazil ayuu usoo ciyaaray intii udhaxeysay 1956dii ilaa 1975tii 636 kulan ee uu usaftay santos wuxuu magaciisa ku qoray 618 goaal

Kaddib wuxuu kaga huleelay naadiga New York Cosmos isla sanadii 1975tii wuxuuna usaftay 64 kulan 37 goalna waa udhaliyey halkaas ayuuna kabihiisa kubadda kusiibay.

Qaranka Brazil ayuu 92 kulan usaftay wuxuu udhaliyey 77 goal.

Taarikhdu waxay noo sheegtaa inuu yahay kii ugu fiicnaa kubadda ciyaara.

Wuxuu ahaaa kan kaliya ee sedex koob adduun ku guuleystey abid, waana sheyga kaliya u marqaati kacaya inuu ahaa kii ugu fiicnaa ee kubadda laada.

Caawo ayuu geeriyoodey magaalasa Sao Paolo ee wadankiisa Brazil asigoo 82-jir ah.

Edson Arantes do Nascimento (Pele)
Wuu faarujiyey dunida bahda kubadda cagta wey sugi doonaan mid lamida Pele.

W; D: Farxaan Cali Xalane

Hadalsame Media