Maxaa Messi ka raacay shalay mar uu doonayey inuu ka qaybgalo xaflad dhalasho? (Daawo)

0

(Rosario) 29 Dis 2022 – Waxaa soo baxay muuqaal laga duubay gaariga Lionel Messi oo ay hafinayaan taageerayaasha caashaqsan xilli uu kabtanka Argentina ee ku guulaystey Koobka Adduunka iyo qoyskiisu ay isku dayayeen inay ka qaybgalaan xafladda dhalashada 15-aad ee qof qoyskiisa guud ka tirsan oo ka dhacday Rosario oo ah magaalada uu kasoo jeedo.

Messi ayaa waxa uu qoyskiisa la joogey magaalada Rosario tan iyo markii uu Argentina ka caawiyey inay hataan koobkoodii saddexaad ee adduunka, iyo markii isaga ugu horreeysey muddo 36 sano ah.

Messi ayaa kusoo laabtay Rosario kaddib markii lagu khasbanaaday in xulka diyaarado qumaati u kaca lagula cararo xilli uu socdey dhoollatuska guusha xulkisa sababo la xiriira amaanka.

Guusha Argentina ayaa keentay in xiddiga Paris Saint-Germain si joogto ah loo rabsho, iyadoo taageerayaashu ay isku hareereeyeen baabuurkiisa usbuucii hore markii ay guriga kusoo laabteen isaga iyo xaaskiisa Antonella Roccuzzo.

Waxay taasi keentay inay soo baxaan warar sheegaya in laga yaabo in Messi uu ka fogaado kasoo muuqashada goobaha dadwaynaha inta lagu jiro xilligan fasaxa u ah dadka Masiixiga ah.

Hadalsame Media