Haaland oo sharraxay sababta uusan ugu dabbaaldegin goolashii uu ka dhaliyey Leeds + Wixii kala qabsaday Walker & Kaamirada Amazon (Daawo)

0

(Hadalsame) 29 Dis 2022 – Qannaaska Erling Haaland oo ka tirsan kooxda Man City ayaa sharraxay sababaha uusan u dabaaldegin kaddib markii uu laba gool ka dhaliyey Leeds United habeenkii Arbacada.

Kooxda Pep Guardiola ayaa dib u bilowday ciyaaraha Premier League markii ugu horreeysey bishan waxayna ka haabteen halkii ay uga tageen, kaddib markii Haaland uu dhaliyay labo gool intii lagu jiray guushoodii  3-1 ahayd.

Inkasta oo uu noqday ciyaaryahankii ugu dhaqsaha badnaa taariikhda ee 20 gool ka dhaliya horyaalka England, misna Haaland waxa wajigiisa ka muuqdey muuqaal ka duwan midkii looga bartay waxa uuna sharraxay sababihii uu sidaas u sameeyey.

Isagoo la hadlaya VG, Haaland wuxuu yiri: ‘Waa lasii qorsheeyey. Maan dareemaynin farxad. Waayo waxaan ixtiraam u hayaa Leeds, oo ah meeshii aan ku dhashay,” ayuu yiri isagoo laakiin sheegay inuu ku farxay labadii kubbadood ee uu dhigay Jack Grealish.

“Kuma jirin xitaa riyooyinkayga ugu waallida  badan, ma u malaynayn inaan ka ciyaari doono Elland Road anigoo u safan City oo kulan la leh Leeds. Xitaa kuma riyoon kartid taas, sababtoo ah waa wax khiyaali oo kale ah, weliba uu ku dhalay aabbe usoo ciyaaray labada kooxood. Waan ku faanayaa maanta!’

Erling aabihiis – Alfie – wuxuu usoo ciyaaray Leeds United 1997-2000 kahor inta uusan u dhaqaaqin kooxda kale ee Premier League ee uu hadda wiilkiisu u dheelo; Man City.

Dhanka kale, laacibka Kyle Walker ayaa hardan la fahmi waayey la galay kaamarada Amazon Prime ee lagu xirey fadhiga kaydka laaciibta ee Elland Road habeenkii Arbacada.

Daafaca England – kaas oo ahaa beddel aan la isticmaalin ka ahaa guushii City ay 3-1 dirtay Leeds, ayaa mar qura la arkay isagoo la dagaallamaya kaamarada oo uu kasoo fujiyey halkii ay ku xirnayd isagoo dhulka ku xooray.

Waxaa loo baahday injineer inuu kaamarada dib ugu celiyo meeshii, taasoo dabcan, u ogolaatay taageerayaasha fursad ay ku arkaan Walker iyo waxa ka socda kursiga kaydka City qaybta labaad ee ciyaarta.

 

Hadalsame Media