Guardiola oo xalay kaydka Leeds United ku sameeyey arrin uu laftiisu isku ceebsaday (Daawo)

0

(Dooxa) 29 Dis 2022 – Macallinka Pep Guardiola ayaa waxa uu sameeyey arrin kasoo horjeedda xasilloonida iyo xakamaynta ciyaareed ee ay kooxdiisu xalay ku qabsatay Elland Road – isaga oo caagad biyo ah darbo ku dhexgaliyey halka ay fadhiyeen kaydka Leeds, taasoo uu aad isugu ceebsaday.

Tababaraha Manchester City ayaa si caro leh uga falceliyey fursad la lumiyey xilli dambe oo ay 3-1 ku lahaayeen Leeds, isagoo deeto caagad biyo ku laaday cagtiisa midig.

Balse waxa ay si toos ah ugu duushay dhanka kaydka Leeds oo garoonkooda xalay lagu ciyaarayey, taasoo ka nixisay macallinka Isbaanishka ah.

Isaga oo waxa dhacay ka khajilsan, ayuu Guardiola orod ugu tegey kaydka Leeds si uu islamarkiiba raalligelin uga bixiyo waxa dhacay una caddeeyo inay ahayd shil kama’ ah.

Hadalsame Media