Dadwayne sita Calanka Somalia oo dibadbax ka dhigay magaalada Laascaanood + Sawirro

0

(Laascaanood) 29 Dis 2022 – Waxaa magaalada Laascaanood ka dhacay bannaanbax ay dhigayaan dadka degaanka oo iskugu soo baxay fagaarayaasha magaalada.

Dadka dibadbaxa dhigayey ayaa ka dhiidhinayey dilalka muddaba ka socda magaalada Laascaanood oo ay sheegeen in lala beegsanayo dadka haldoorka ee gobolka Sool.

Waxaa dilkii ugu dambeeyey loo gaystey wiil dhallinyaro ah oo magaaladaa aad looga yaqaanney, waxayna dadku dalbanayaan in arrintan loo helo xal deg deg ah.

Dadka mudaharaadayey ayaa sitey calanka Soomaaliya, tiiyoo ay jirto in Laascaanood ay haatan maamul ahaan hoos tagto nidaamka Somaliland oo sheegta inuu ka go’ay Somalia inteeda kale.

Dhanka kale, guud ahaan dhaqdhaqaaqii magaalada ayaa xanniban iyadoo ay xiran yihiin meheradihii magaalada.

 

Hadalsame Media