Booliiska Turkiga oo qabtay nin Soomaali ah oo middi sita misna Qur’aan aqrinaya (Daawo)

0

(Ankara) 29 Dis 2022 – Sida lagu faafiyey bogga Jaaliyadda Soomaaliya ee Turkiga, nin Soomaali ah oo feero qaawan islamarkaana gacanta middi ku sita ayaa jidka soo dhex istaagey isagoo Qur’aan aqrinaya.

Ninkan oo ay ka muuqato inuu dhimir ahaan qulban yahay ayaa waxaa markiiba loogu yeeray Booliiska magaalala Ankara kuwaasoo markii dambe gacanta ku dhigay isagoo aan wax dhib ah naftiisa iyo cid kale u gaysan.

Dadka arrintan ka hadlay qaarkood ayaa sheegay inay ninkan horay ula kulmeen oo uu u sheegay inuu Safaaradda Somalia ee Turkiga tegey si loogu sameeyo waraaqo uu dalkiisa kula laabto, balse ay ku adkeeyeen.

Hadalsame Media