”Xanuun aan dhammaad lahayn” – Calaacalka taageerayaasha Man Utd & Wiirsiga kuwa Liverpool oo baraha bulshada qabsaday kaddib saxiixii Gakpo (Taageere Chelsea ah oo madfac la helay)

0

(London) 27 Dis 2022 – Taageerayaasha Manchester United ayaa aad uga carooday sida ay ku dhici karto in Liverpool ay afduubato u dhaqaaqitaankoodii laacibka Netherlands iyo kooxda PSV xiddiga Cody Gakpo.

Weeraryahankan ayaa si wayn loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqayo gegada Old Trafford bisha Janaayo ee soo aaddan, yeelkeede, habeenimadii Isniintii xalay, ayaa tiiyoo aanay cidinaba filay lagu dhawaaqay in Reds ay ogolaatay inay £44 milyan ginni kula soo wareegto Gakpo.

United ayaa wadahadallo la furtay kooxda reer Holland, laakiin weli waxay dhamaystiri la’aayeen yabooh dhaqaale oo lagu qanco taasoo hadda keentay inay waydey bartilmaameedkeedii waynaa kahor kahor suuqa jiilaalka Janaayo.

Taageerayaasha Man United oo arrintan liqi la’ ayaa Twiitter-ka kusoo qoray inay ”xanuun badan dareemayaan”, dhibaatada kooxdanina aysan dhammaad lahayn, halka kuwa Reds ay ku wiirsanayeen iyadoo uu midkood soo qoray ”waad ku mahadsan tihiin muuqaalladii aad ka samayseen iyo faallooyinkii annaga ayaa halkan kasii ambaqaadayna.”

Madfaca ugu xanuun badan se waxaa ku dhuftay taageere ka tirsan Chelsea oo soo qoray: “Gakpo waxa uu wadahadallo kula jiray United muddo 6 bilood ah, waxaanay Liverpool ku qaadatay 1 saac inay la soo wareegto marka ma qosli karo. Waa guuldarro wayn oo ku dhacday ninka United.’

Hadalsame Media