”Wuxuu yiri salaadda fannaan baa dujiyey ee hallugu celiyo” – Fannaanka Xiddig oo ka qiseeyey arrin uu kula kacay Wasiirkii Warfaafinta KG Somalia (Daawo)

0

(Hadalsame) 27 Dis 2022 – Farxaanka Jabuutiyaanka ah ee Xiddig oo ka mid ah fanaaniinta ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka sheekeeyey arrin yaab leh oo dhexmartay isaga iyo Wasiirkii Warfaafinta KG Somalia ee dhowaantan is casiley.

”Mar aan imaam u noqday ayaa waxaa soo galay Wasiirkii Warfaafinta KGS, Ilyaas Cali Nuur, markii uu soo galay ayaa wuxuu yiri salaaddaasi ansax maaha fannaan ayaa dujiyey ee dib haloogu laabto,” ayuu yiri Xiddig oo la hadlayey Hilinka SMS.

Farxaan xiddig ayaa sheegay in uu xilligaa meesha u yimid in hees laga duubo, balse markii uu dadkii dujiyey ee ay salaaddii dhamaatay uu ninkani dhexda uga soo dhacay.

Wuxuu intaa raaciyey inaan salaaddii lagu raacin, balse wuxuu sheegay inuu la yaabay inuu arkay ninkii sidaa lahaa oo Tik Tok ka heesaya.

Xiddig oo si ugu ololeeya muddo kororsiga iyo kali-taliska ayaa dhanka kale Ilyaas ku dhaliilay inuu diido muddo kororsiga dagaalka sababay ee uu wado Cabdicasiis Lafta-gareen.

Hadalsame Media