(Hadalsame) 27 Dis 2022 – Bogga Twitter-ka ee weriyaha caanka ah ee Piers Morgan ee reer UK ayaa la jabsaday, iyada oo lagu taageerey midnimada umadda Soomaaliyeed.
Sawirrada lagu baahiyey waxaa kamid ah; MW hore ee Farmaajo, Dabcasir iyo khariiradda Geeska ee Soomaalida, iyada oo lagu dul qoray “Fadlan aqoonsada madaxbannaanida dhulkan oo dhan inay Soomaaliya leedahay”.
Bogga Daily Mail ayaa qoray in Twitter-ka Piers Morgan uu jabsaday qof “af-xumo badan” oo aflagaaddo u badan ku soo qoray bartiisa Twitter-ka isagoo ku baaqaya ‘midnimada dhuleed’ ee Soomaaliya.
Raacayaasha Twitter-ka Morgan oo ay ku jiraan ilaa 8 milyan oo taageere ayaa sidoo kale loogu gefey Boqoraddii UK ee beri dhowayd dhimatay.
Hadalsame Media
Facebook Comments