Waddan Muslim ah oo qarka u saaran in DUULLAAN furan lagu soo qaado & Sababta ay halis wayni uga iman karto + Sawirrada

0

(Hadalsame) 27 Dis 2022 – ”Ciidamada Serbia ee fadhigoodu yahay xadka ay la wadaagto Kosovo ayaa la geliyEy diyaargarow buuxa iyo heegan dagaal, gaar ahaan “heerkii ugu sarreeyey”, ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi ee Milos Vucevic.

Tadawurkan, oo iska dhega tiraya baaqyada NATO ee ah in la qaboojiyo xiisadda, ayaa muujinaya xiriirka sii xumaanaya ee waddankan Balkan-ka uu la leeyahay dalka deriska la ah ee Kosovo kaddib xiisado ka dhashay toogashooyin dhacay dhowaan.

Kosovo ayaa sanadkii 2008-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Serbia, balse Belgrade ayaa diiday inay aqoonsato waxayna ku dhiirrigelisay dad gaaraya 120,000 oo ah qowmiyada Seerbiyaanka Kosovo inay ka horyimaadaan maamulka Pristina – gaar ahaan woqooyiga oo ay qowmiyadda Serbian-ku ka yihiin kuwa ugu badan.

Ciidamada Serbia ayaa horay loo geliyey xaalad feejignaan ah oo ku wajahan xiisadda Kosovo dhowr jeer sanadihii ugu dambeeyey – markii ugu dambaysey waxay ahayd bishii Nofeembar kaddib markii ay ku andacoodeen in dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn ay soo galeen hawada Serbia iyagoo ka yimid Kosovo.

Kosovo oo horay uga tirsanayd qaybta Serbia ee xiriirkii Yoguslavia ee burburay, ayaa dadka ku nooli u badan yihiin Albanian Muslim ah.

Kosovo waxaa taageerta NATO, halka Serbisku ay ku xiran yihiin Ruushanka oo ay wadaagaan mad’habta Orthodox-ka iyo qoowmiyadda Slav-ka, taasoo ka dhigan in haddii uu qarxo uu faraha ka bixi karo.

Howsarrada culus ee 155 mm ee otomaatig xigeenka ah ee Serbia oo hoganaya xadka labada dal

Hadalsame Media