Sababta murugta leh ee Man United looga dulqaaday Gakpo oo la kashifay & Laacibka kale ee ay durba doonayaan (v. Nistelrooy oo runta u sheegay)

0

(Manchester) 27 Dis 2022 – Erik ten Hag ayaa muddaba doonayey Cody Gakpo tan iyo markii ay caddaatay in Manchester United ay u baahan tahay beddelka Cristiano Ronaldo suuq-jiilaalka Janaayo.

Iyadoo la sugayo kulanka caawa oo Talaado ah ee Premier League ay ku wajahayaan Nottingham Forest dhanka Old Trafford, tusaale ahaan, Ten Hag waxaa lagu wargaliyey jawaab ka timid tababaraha PSV Eindhoven ee Ruud van Nistelrooy kaasoo ahaa inaysan kooxda reer Holland diidi karin dalabka Gakpo ee Liverpool.

Waxaa sababta Man United looga dulqaaday bartilmaameedkeeda ayaa lagu sheegay inay ugu waynayd iyadoo uu maamulka kooxdaasi gaari waayey qiime u dhigma midka Liverpool, taasoo ka dhalatay hubaal la’aanta maaliyadeed ee ay kooxda gelisey in la yiri waa iib.

Haatan kaddib fashilkaasi, xiddigga Atletico Madrid iyo Portugal ee Joao Felix ayaa u muuqda dookha 2-aad ee ay suuqa kala iibsiga ka far muuqatay Man United

Qoyska Glazer ayaa muujiyey rabitaankooda ah inay iibiyaan kooxdan camaaliqada ah kaddib 17 sanadood oo ay maamulayeen waxay taasi saamayn xun ku yeelatay istaraatiijiyada suuqa kala iibsiga ee United, marka taa lagu daro xaqiiqda in naadigu uu xagaagii sameeyey adeegasho rikoor jebis ah oo ay ku khasireen £ 220m oo gini.

Man United ayaa sanadihii yaraa ee dambe caado u lahayd in laga dulqaado xiddigaha ay ka far muuqato suuqa kala iibsiga.

Hadalsame Media