”Qashin baad tahay … Orod meelahaa ku ooy!” – 3 laacib oo Argentine ah & mid Faransiis ah oo ay ka tafatay

0

(Hadalsame) 27 Dis 2022 – Dhaqanka muranka dhaliyey ee goolwale Emiliano Martinez ee final-ka Koobka Adduunka ayaa horseeday khilaafyo kale – markan waxaa isku qataaran goolhayaha laacibka ay isku kooxda yihiin ee Angel Di Maria iyo Adil Rami.

Goolhayaha Aston Villa ayaa muhim u ahaa guushii Argentina ay ku garaacday France si ay koobka uga qaadaan bartamihii bishan, isagoo sameeyey dhowr badbaadin oo muhim ah waqtigii dheeriga ahaa kahor inta uusan rigoore ka badbaadin Kingsley Coman.

Ha yeeshee, daafacii kula guulaystey Koobka Adduunka France 2018 ee Rami ayaa ugu yeeray Martinez ‘qashinka ugu wayn kubada cagta iyo qofka loogu neceb yahay Instagram’- laakiin Di Maria, oo gool ka dhaliyey final-kii, ayaa haatan usoo jawaabey.

Ciyaartii final-ka kaddib, 36 jirka daafaca dhexe ee Troyes ayaa qabsaday baraha bulshada si uu dareenkiisa ugu muujiyo habdhaqanka dhaliilan ee Martinez – taasoo ay ku jirtey ficil foolxun oo uu sameeyey markii la siiyey koobka Golden Glove ciyaarta kaddib.

Markii uu Di Maria kusoo jawaabey: “Martinez waa goolhayaha ugu fiican adduunka. Meel kale ka ooy, Rami waxa uu soo dhigay afar sawir oo muujinaya Di Maria qudhiisa oo ooyaya isagoo raaciyey ciwaan ah: ‘Ma i bari kartaa OOYINTA?!’

Saaxiibada Martinez ee Leandro Paredes oo ay Di Maria isku koox ahaayeen iyo German Pezzella ayaa sidoo kale usoo jawaabay Rami kaddib faallooyinkiisia, Paredes ayaa wuxuu yiri: ‘Hadda warkaas dheh adigoo aan ooyin Rami.’

Hadalsame Media