Taiwan oo ku waabariisatey in ka badan 70 diyaaradood iyo 7 markab dagaal oo ku hareereeysan

0

(Hadalsame) 26 Dis 2022 – Taiwan ayaa sheegtay in ay aragtay 70 iyo kow diyaaradood iyo 7 markab oo kuwa dagaalka oo Shiinaha laga leeyahay oo ku hareeraysan jasiiradda.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in kani uu yahay mid ka mid ah duullaannadii ugu weynaa ee uu Shiinaha soo maleego.

Waxa ay sidoo kale Taiwan sheegtay in lixdan diyaaradood oo kuwa dagaalka ah la arkay, iyada oo intaa ku dartay in afartan iyo saddex diyaaradood oo qaada ciidamada cirka oo Shiinaha laga leeyahay ay ka gudbeen khadka dhexe ee gacanka Taiwan muddo afar iyo labaatan saacadood gudohood ah.

Milateriga Shiinaha ayaa sheegay inay dhoollatusyo ka sameynayaan agagaarka Taiwan si ay uga jawaabaan waxa ay ugu yeereen daandaansiga Mareykanka iyo Taipei.

Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay sharciga kharashka difaaca ee oggolaanaya ilaa toban bilyan oo doollar oo gargaar amni ah iyo soo iibsashada hubka ee Taiwan.

Xiisadda ka dhex taagan Shiinaha iyo Taiwan ayaa mar kale meel adag gaartay, xilli xukuumadda Taipei ay ka walaacsan tahay “daandaansiga uga imanaya dhanka Beijing”.

Xaaladda oo aan markii horeba hagaagsaneyn waxay cirka isku sii shareertay markii ay Nancy Pelosi booqatay Taiwan taas oo uu Shiinaha aad uga carooday.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Shiinaha, booqashadii Nancy Pelosi ayaa noqotay mid khatar ku ah nabadda iyo xasiloonida marin-biyoodka Taiwan.

Hoggaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa mar sii horreysay sheegay inay qasab tahay in dalkiisa uu dhamaystiro yoolka midnimada iyo soo celinta Taiwan.

Hogaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Wuxuu tilmaamay in yoolkaas ay doonayaan inay ku gaaraan si nabad ah, balse shacabka Shiinaha ay can ku yihiin diidmada “kala qeybinta”.

Shiinuhu waxa uu Taiwan u arkaa in uu yahay dhul dalkiisa ka mid ah oo isku dayaya inuu go’o. Booqashada saraakiisha Mareykanka ee Taiwan wuxuu u arkaa in ay ka dhigan tahay mid muujinaysa taageerada madaxbannaanida jasiiradaas.

Hase yeeshee, Taiwan waxay leedahay dowlad-dimuqraadi ah oo u gaar ah, waxayna diiday sheegashada Shiinaha, iyadoo sheegtay in dadka kaliya ay go’aan ka gaari karaan mustaqbalka jasiiradda.

Muxuu yahay yoolka Shiinaha?

Xi Jinping oo ka hadlayay sanad guuradii 110-aad ee ka soo wareegtay markii la afgembiyay boqortooyaddii u dambeysay Shiinaha, ayaa sheegay in la midoobidda Taiwan ay noqon doonto mid si nabad ah ku dhacda, ayna dan u tahay shacabka labada dhinac.

“Hawsha taariikhiga ah ee lagu soo gebagabeynayo dib u mideynta dhulkeena ayaa u baahan in la dhamaystiro,” ayuu yiri Madaxweyne Xi.

Militeriga Shiinaha

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Khubarada ayaa rumaysan in xukuumadda Beijing ay dhinacyo badan ka beegsan karto Taiwan, gaar ahaan nidaamka dhaqaalaha iyo kaabayaasheeda.

Sidoo kale maraakiibta Shiinaha ayaa go’doomin dhinaca badda ah ku sameyn kara Taiwan, taasoo dhalin karta in jasiiradda ay wajahdo cunno iyo shidaal la’aan.

Waxaa se laga siman yahay aragtida ah in weerar toos ah oo uu Shiinaha ku qaado Taiwan ay ka dhalan karto musiibbo ballaaran, maadaama labada dhinacba ay si weyn u hubaysan yihiin.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Shiinaha iyo Taiwan?

Taiwan waxay 180 kiilo mitir u jirtaa Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha. Labada dhinac oo af iyo awoowe-wadaag ah waxaa ka dhaxeysa cadowtooyo salka ku haysa nidaamka siyaasadeed.

Dhinac ka mid ah marin-biyoodka kala qeybiya waa dowladda Beijing  oo hoggaanka u haysa nidaam shuuci ah oo dadka uu xukumo ay gaarayaan 1.3 bilyan oo qof, kuwaas oo hal xisbi ka amar qaata.

Dhan kale waxaa deggan Taipei oo maamusha jamhuuriyad dimuqraaddi ah oo dadkeedu ay gaarayaan 23 milyan oo qof.

Xiisada ka taagan Taiwan ayaa cirka isku sii shareereysa kaddib markii ay booqatay Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi – tallaabadan waxay sii xumeysay xiriirka Washington iyo Beijing.

Xuddunta kala qaybsanaanta ayaa ah in dowladda Shiinuhu ay Taiwan u aragto gobol ka go’ay oo ugu dambayntii ka mid noqon doona Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

Laakiin, dad badan oo reer Taiwan ah ayaa u arka jasiiradda Taiwan inay iskeed isu maamusho oo ay noqoto qaran gaar ah – madaxbannaanida haddii si rasmi ah loogu dhawaaqo iyo haddii kaleba.

BBC

Hadalsame Media