Laacibiinta Benzema ku dirdiray macallinka & Xiriirka Faransiiska oo la kashifay (Mid si cad u muujiyey masayr caadi ah)

0

(Hadalsame) 26 Dis 2022 – Faahfaahin cusub oo ku saabsan kala qaybsanaanta Karim Benzema iyo Xulka Faransiiska ayaa soo shaac baxday, iyadoo joogitaankiisa lagusoo waramayo in loo arkay mid aan u roonayn midnimada Xulka Les Blues.

Gaar ahaan waxa ay xiisadi ka dhex abuuray Benzema iyo Antoine Griezmann, halka qaar kale oo laacibiinta ka mid ihi ay sheegeen inay ka cabsi qabaan inuu saamayn xun ku yeesho xulka oo ka qaybgelayey Koobkii Adduunka Qadar.

Benzema ayaa loo diray gurigiisa markii uu bilaabmi rabey tartanku kaddib markii uu dhaawac soo gaarey, laakiin waxaa jirey warar sheegaya inuu ku soo laaban karo final-ka kadib markii uu kulan is kululays ah u ciyaaray Real Madrid.

Yeelkeede, waxaa uu si cad u diidey inuu qaato fursad uu dib ugu laabto Qadar oo uu xitaa ka codsaday MW Faransiiska, kaddib markii ay isku dhaceen tababare Didier Deschamps.

Faahfaahinno dheeraad ah oo ka badan sababta uu Benzema uga fariistay ciyaaraha caalamiga ah ayaa haatan soo baxaya iyadoo wararka Spain gaar ahaan warqaadka AS ay qorayaan in Griezmann uu ka masayray laacibkan isagoo dareemay in xiise gaar ah loo muujinayo weeraryahanka Real Madrid oo aan wax badanba laga hadlin Xulka Faransiiska intiisa kale.

Intaa kuma ekaane markii ay Griezmann kala dhinteen, AS ayaa sidoo kale warinaya in labo laacib oo kale – Olivier Giroud iyo kabtanka Les Bleus Hugo Lloris – ay sidoo kale ‘shaki ka muujiyeen’ saamaynta Benzema ee xulka, iyadoo laacibiintani ay Benzema ku direen Xiriirka FFF.

Paul Pogba, oo aan loogaba yeerin Xulka France ee Koobka Adduunka dhammaadka usoo baxay dhaawac dartii, ayaa sidoo kale la sheegay inuu shaki ka qabey doorka Benzema ee Xulka.

Benzema ayaa markii uu ciyaaraha caalamiga ah ka fariistay in yar kaddib bartiisa bulshada ka tiray dhammaan laacibiinta Les Blues marka laga reebo shan ka mid ah asxaabtiisii ​​hore ee xulka qaranka, kuwaas oo kala ah Eduardo Camavinga, Aurelien Tchouameni, Kylian Mbappe, Raphael Varane iyo Marcus Thuram.

Hadalsame Media