Laacibiinta ay doonayaan Lixda kooxood ee ugu waawayn EPL (Koox kasta booska ka bannaan & laacibiinta ay doonayso?)

0

(London) 26 Dis 2022 – Waxaa furmaya suuqa kala iibsiga jiilaalka ee bisha Jannaayo oo ay maalmo inaga xigaan, iyadoo ay kooxuhu durba bilaabeen galaangalka ay ku doonayaan xiddigo cusub.

Haddaba, aan eegno kooxaha waawayn ee Horyaalka Ingiriiska, laacibka ay koox kasta doonayso iyo boosaska ay doonayaan inay ku daariyaan.

ARSENAL

Muhiimadooddu waa bedelka Gabriel Jesus oo la filayo inuu maqnaado seddax bilood. Waxay rabaan weeraryahan, iyadoo ay socdaan wadahadallo ay ku doonayaan garabka gooldhalinta badan ee Shakhtar Donetsk ee Mykhailo Mudryk, laakiin qiimahiisa oo ah £86 milyan oo ginni ayay tahay in la dhimo.

Waxay dhanka kale ka mid yihiin dhowr kooxood oo Ingiriisi ah oo jecel 18-jirka Real Valladolid ee daafaca midig ee Ivan Fresneda, halka Adrien Rabiot oo Juventus ah isna loo soo bandhigay.

Boosaska ay rabaan: Garab-weerar bidix, khadka dhexe, weerar

CHELSEA 

Waxay qaadanayaan laacibka £30m lagu qiimeeyo ee Monaco dambeedka u ah ee Benoit Badiashile. Laacibka khadka dhexe ee Vasco da Gama ee Andrey Santos, 18-jir, iyo sidoo kale laacibka £10m lagu qiimeeyo ee weerarka u ah Molde ee David Fofana iyo Christopher Nkunku, oo ka imanaya Leipzig.

Waxay wadahadallo socda kula jiraan weeraryahanka da’da yar ee Dortmund Youssoufa Moukoko. Waxaana loo soo bandhigay laacibka Atletico ee Joao Felix, halka garabka AC Milan ee Rafael Leao uu yahay dookh furan.

Josko Gvardiol oo Leipzig ah iyo Denzel Dumfries, oo ka tirsan Inter, ayaa ah bartilmaameedyada dhanka daafaca. Waxaa ka tegi kara N’Golo Kante, Jorginho, Mason Mount iyo Edouard Mendy.

Boosaska ay rabaan: Dambeed dhexe, dadab midig, khad dhexe, iyo weerar.

LIVERPOOL 

Muhiimaddoodu waa inay Jude Bellingham kala soo wareegaan Borussia Dortmund  xagaaga, laakiin waxay u furan yihiin heshiisyo amaah ah oo xoojin kara hamiga kooxda Jurgen Klopp ee dib helista booska Champions League.

Weston McKennie oo Juventus ka tirsan waa hal magac oo la xusay, laakiin kooxda Talyaanigu waxay rabaan amaah ay wehliso iibsi waajib ah. Sidoo kale waxay Dortmund kala hadlayaan Youssoufa Moukoko.

Boosaska ay rabaan: Khad dhexe, weerar

MAN CITY 

Waxay ka hadleen Jude Bellingham oo ay xagaaga doonayaan xilli ay sidoo kale dejinayaan waxa ay ka yeelayaan mustaqbalka Ilkay Gundogan iyo Bernardo Silva

Waxay sidoo kale eegayaan ciyaartooyda da’yar hadda, sida midka Sheffield United ee Kylan Midwood iyo daafaca bidix ee Christian McFarlane, 15-jir.

Boosaska ay rabaan: Khad dhexe

MAN UTD 

Waxay wadaan adahadallo loogu talagalay helista laacibka PSV Eindhoven ee Cody Gakpo, kaasoo u ah bartilmaameedkooda koowaad. Haddii Glazers ay quuraan lacag caddaan ah, dalab ayay dhaqso u dirayaan, iyadoo uu laacibka Benfica ee Goncalo Ramos uu yahay beddelka suurtogalka ah.

Laacibka Chelsea ee Christian Pulisic ayaa isna liiska ugu jira halka daafaca midig ee Lyon Malo Gusto ay la dhacsan yihiin.

Aaron Wan-Bissaka ayaa waxaa doonaya kooxaha Wolves iyo Palace, halka kooxo kale ay sidoo kale doonayaan Anthony Elanga.

Boosaska ay rabaan: Goolhaye, daafac midig, weeraryahan

TOTTENHAM 

Waxay suuqa ugu jiraan bedelka liiska dheer ee dhaawacyada kooxdaasi oo sagaal ciyaaryahan ay wax uga noqdeen Koobka Adduunka.

Laacibka Barcelona ee Memphis Depay ayaa loosoo bandhigay laakiin waxaa loo arkaa arrin aan dhici karin, waxay sidoo kale isha ku hayaan xiddiga Fiorentina ee Sofyan Amrabat. Daafaca Joe Rodon ayaa isna laga soo celin karaa amaahda uu ku joogo Rennes.

Boosaska ay rabaan: Dambeed dhexe, garab-weerar midig, khad dhexe, weerar

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media