Kooxda Al-Nassr oo Ronaldo kusoo dari rabta laacib kale oo ka ciyaara Horyaalka Ingiriiska (Waa kee?)

0

(Riyaad) 26 Dis 2022 – Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay inuu ku biirayo kooxda Sucuudiga ah ee Al-Nassr taasoo uu u ciyaari doono laga bilaabo Janaayo 1, 2023, sida lagu qoray warqaadka Marca.

Haatan, xiddigga Chelsea ee N’Golo Kante ayaa u muuqda mid bartilmaameed u ah isla kooxdan Saudi Arabia ee Al-Nassr, sida ay wararku sheegayaan.

Xiddigga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa sanadkan la dhibtoonayey dhaawacyo, waxaana uu u muuqdaa inuu ka tagi doono gegada Stamford Bridge marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaaga soo aaddan.

Kooxo dhowr ah ayaa durba soo bandhigay xiisaha ay u qabaan raacaha dadaalka badan ee Kante oo iminka 31-jir ah, waxaana ay u muuqataa in kooxaha waawayn ee Sacuudigu ay noqdeen kuwa ugu cadcad saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay Foot Mercato, Al-Nassr ayaa isha ku haysa inay Kante kusoo daraan kooxdooda marka uu qandaraaskiisu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Hadalsame Media