DED DEG: Diyaarad caalami ah oo shil ku gashay Gegada Caalamiga ah ee Aadan Cadde

0

(Muqdisho) 26 Dis 2022 – Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia, ayaa tibaaxaya inay Gegada Aadan Cadde shil ku gashay diyaarad caalami ah, sida uu faafiyey Garowe Online.

Xogaha ayaa sheegaya, sida uu warqaadkani Twitter-ka ku qoray, in diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines ay shil ku gashay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee Isniintan.

Waxay arrintani timid kaddib markii mid ka mid ah baalasha diyaaraddu uu dhaawac soo gaarey, xilli ay diyaaraddu doonaysey inay ka duusho Muqdisho.

Faahfaahintu weli waa qabyo oo xoguhu waa soo baxaaan.

Hadalsame Media