Xiddig ka tirsan Man United oo MUUQAAL uu iska duubay markiiba tiray & Khaladka uu galay (Daawo)

0
MANCHESTER, ENGLAND - OCTOBER 27: Manchester United players pose for a photo prior to the UEFA Europa League group E match between Manchester United and Sheriff Tiraspol at Old Trafford on October 27, 2022 in Manchester, England. (Photo by Naomi Baker/Getty Images)

(Manchester) 25 Dis 2022 – Xiddiga Manchester United ee Antony ayaa iska duubay muuqaal isaga oo wata gaari qaali ah oo ah nooca jooga £337,000 ee Talyaanigu sameeyo ee Lamborghini kahor inta uusan si dhaqso ah u tirtirin muuqaalkii uu soo dhigay baraha bulshada.

22-jirkan ayaa lasoo baxay nooca cusub ee Lamborghini Aventador LP 780-4 Ultimae si uu ugu dabbaaldego ka mid noqoshada xulka Brazil ee Koobka Adduunka bishii hore.

Ilaa hadda ma cadda sababta uu xiddigga reer Brazil deg deg ugu tirtiray muuqaalka, laakiin waxa ay noqon kartaa arrin la xiririta inay sharci darro tahay in la isticmaalo taleefanka gacanta marka uu qofku gaari wado.

Muuqaalka uusoo geliyay akoonkiisa Instagram-ka ayaa muujinaya Antony oo ku dhex socda jid waynaha isaga oo eegaya saacadiisa iyo astaanta Lamborghini-ga ee saaran isteerinka.

Xidigii hore ee Ajax ayaa dhowaan kasoo laabtay dalka Qadar, isagoo ka mid ahaa xulkii Brazil ee wareega 8-da ku reebtay Croatia oo uga adkaatay rigoorayaal.

Hadalsame Media