”Waxaa ku jira ilaa 30 bilyan oo fuusto oo shidaal ah” – Shiinaha & Maraykanka oo ka hadlay qorshaha is khilaafsan ee ay ka kala leeyihiin Somalia

0

(Muqdisho) 25 Dis 2022 – Dad gaashaan ay ka dhiganayaan Shabaabku, macluul iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gaajada iyo argagixisada oo lagu daray Waddada Shiinaha ee Belt and Road. Taasi waa mushakalka sunta ah ee Soomaaliyada maanta, oo sanado badan halgan ugu jirtey sidii ay nabad u heli lahayd, balse haatan ay isku haystaan Washington iyo Beijing.

Midda kale, Soomaaliya waxay leedahay shidaal. Culimada dhul aqoonka ihi waxay sheeganayaan inay halkaa ku jiraan ilaa 30 bilyan oo barmiil oo shidaal ah. Waxaana la sheegay in shirkado Maraykan ihi ay doonayaan.

Laakin Maraykanka waxaa Somalia uga horreeya Shiinaha. Shiinuhu weligii ma joojin taageerada uu siiyo Soomaaliya, waxaana uu ka hirgeliyey mashruucyo oo kaabayaasha dhaqaalaha ah sida isbitaallo iyo waddooyin waawayn oo uu u dhisay.

Taa baddalkeeda, Soomaaliya waxay noqotay waddankii ugu horreeyey ee Bariga Afrika ah ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha, iyadoo Beijing ay samaysay ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika. Ma jiro diblomaasi noocaas ah oo laga magacaabay dhinaca Washington.

Beijing waxay tixgelinaysaa Soomaaliya, oo ku taal meel u dhow marinka Suways ee muhimka ah, sidoo kalena leh xeebta ugu dheer Afrika, iyagoo u arka qayb muhiim ah oo ka mid ah hindiseheeda ganacsi ee Belt iyo Road.

Aragtiyo aad u kala duwan ayaa laga riixayaa dhinacyada Washington iyo Beijing.

“Waxaan u aragnaa dalalka Afrika, oo ay ku jirto Soomaaliya, inay yihiin saaxiibbo leh mudnaan caalami ah iyo mid gobolba,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo la hadlay Fox News Digital toddobaadkan.

“Waxaa naga go’an inaan taageerno dadaallada ay hormuudka ka yihiin Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee looga hortagayo khatarta Al-shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ee ay waddo xukuumadda cusub.” ayuu raacshey.

Ergayga gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan gobolka, Xue Bing, ayaa isna ku andacoodey jiritaanka “xikmad Shiinays ah” taasoo soo jeedinaysa in quruumaha shisheeye sida Maraykanku ay dalkaa ka baxaan, isagoo ku boorriyey Dowladda Soomaaliya “inay ka takhalusto faragelinta dibadeed, waxaan ixtiraamaynaa oo aan taageernaa dalalka gobolka si ay khilaafkooda ugu xalliyaan si madax-bannaan. ” ayuu yiri.

Waxaana dhexda uga jirnaa dagaal juqraafiyeedka kansarka ah ee aadka u faafaya oo ah kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab. Falanqeeyaha Opperman ayaa intaa raaciyey in Al-Shabaab ay iminka lumiyeen 80% gacan ku haynta gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Halkan kasii aqri warbixinta hilinka muxaafidka ah ee Fox News.

Hadalsame Media