Macallinkiisa EPL oo iclaamiyey go’aanka uu ka qaadan doono hab-dhaqanka ceebaysan ee Emiliano Martinez 

0

(Madrid) 25 Dis 2022 – Macallin Unai Emery ayaa sheegay inuu wadahadal la yeelan doono qabtaha doodda badan dhaliyey ee Emiliano Martinez kaddib dabaaldeggii muranka dhaliyey ee goolhayahan Koobka Adduunka kula guulaystey Argentina.

Martinez ayaa sameeyey ficil aad loogu dhaliilay oo anshax xumo ah kaddib markii la guddoonsiiyay Glove-ka Dahabiga ah ee goolhayaha ugu fiican tartanka, waxaana uu sii waday in uu baacsado xiddiga France ee Kylian Mbappe xitaa maalmihii xigay.

Madaxwaynaha FA-ga Faransiiska, Noel Le Graet, ayaa cabasho rasmi ah u gudbiyey dhiggiisa Argentina, Claudio Tapia, taasoo ku saabsan hab-dhaqanka ciyaartooyda  ee ‘aan caadiga ahayn’ tan iyo final-kii KA.

Waxaana haatan soo baxday in tababaraha kooxda reer Birmingham ee Aston Villa ee Unai Emery uu la fariisan doono goolwale Martinez marka uu kooxda kusoo laabto. Diseembar 29, isaga oo ku boorriyey inuu ‘xakameeyo’ ‘dareenkiisa’

Emery ayaa yiri: “Waxaan doonayaa inaan la hadlo marka uu halkan yimaado usbuuca soo socda, laakiin waxaan aad diiradda u saarayaa qaab ciyaareedkiisa iyo guushiisa, marka loo eego dabaaldeggiisa,” ayuu yiri.

‘Waa inaan yeelannaa qiyam, waa inaan diiradda saarnaa hab-dhaqankeenna marka aan koox ahaan wada joogno iyo marka aan la joogno ciyaartoyda naga horjeedda.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media