”Hadda kaddib adiga & Liverpoolba ma taageeri doono!” – Mo Salaax oo ay weerar kulul ku hayaan taageerayaasha Muslimiintu (Arag fal-celinta)

0

(Liverpool) 25 Dis 2022 – Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa dhaleecayn adag kala kulmay taageerayaasha Muslimiinta ee baraha bulshada kaddib markii uu soo dhigay sawirka qoyskiisa oo ag fadhiya geedka loo yaqaan Christmas-ka.

Salah, oo Muslim ah, ayaa sawir uu kusoo qoray ‘#Merry Christmas’ soo dhigay akoonnadiisa Twitter-ka iyo Instagram-ka.

30-jirkan iyo qoyskiisa – xaaskiisa Magi iyo gabdhaha kala ah Makka iyo Kayan – ayaa waxay iskusoo sawireen dharka hurdada ee bijaamooyinka isagoo u hambalyeeyey dadka xusaya Christmas-ka, sida dhacday ilaa ugu yaraan seddax jeer hadda.

Muslimiintu dhaqan ahaan uma dabaaldegaan Christmas-ka sidoo kalena uma hambalyeeyaan, laakiin saas oo ay tahay qaar ayaa ka qaybqaata xafladaha la qabto inta lagu guda jiro ciida Masiixiga.

Taageere Muslim ah ayaa yiri: “Waxaan ahaa taageere Liverpool ah tan iyo markii aan dhashay, laakiin waan joojin doonaa taageerada kooxda sababtoo ah waxaad  Christmas-ka kula dabaaldegaysaa Masiixiyiinta. Waxaad hadda lumisay taageere Mo Salah. nabadgelyo!’

Halkan ka eeg fal-celinta taageerayaasha kale qaarkood:

Hadalsame Media