“Waxaa lagu dhuftay 2 xabbadood!” – Laacib Faransiis ka ciyaara oo toogasho lagu diley

0

(Marseille) 25 Dis 2022 – Da’yarkii hore ee kooxda Marseille, Adel Santana Mendy, oo 22-jir ahaa, ayaa la toogtey habeennimadii Jimcaha, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Faransiiska.

Wiilka yar ayaa la sheegay in lagu dilay xaafadda 14-aad ee Marseille, sida ay sheegtay majaladda L’Equipe.

Sida ay ku warrantay BFM Marseille, wiilkan dhallinyarada ah ayaa la toogtey laba jeer, inkastoo uu daryeel caafimaad oo deg deg ah uu helayna laguma guulaysan in la badbaadiyo. Meesha ay toogashadu ka dhacday, waxaa laga helay 27 fuuq oo 7.62 mm ah

 

Mendy ayaa waxa uu xagaagii ku biiray kooxda heerka afraad ee Faransiiska ee Aubagne – oo ka ciyaarta National 2 – xagaagii. Waxayna geeridiisa ku shaaciyeen baraha bulshada:

“Wuxuu nooga tegi doonaa meel bannaan doonta abid, weligiisna wuxuu ahaan doonaa mid naga mid ah. Dhammaanteen waxaan tacsi u diraynaa qoyskiisa.”

22-jirkan waxa uu kasoo baxay akademiyaha dhallinyarada ee Marseille, kahor inta uusan ku biirin kooxaha Ingriiska ee Eastbourne iyo Langney, dhanka Andorran ee UE Sant Julia, Côte Bleue, Marignane-Gignac, kadibna Aubagne. Baraha bulshada waxaa kusoo qulqulaya tacsida loo jeedinayo wiilkan.

Hadalsame Media