Laacib muhim ah oo ka tirsan kooxda Man United oo DHIMIRKIISA laga dayrinayo & Meesha loo diray + Sawirro

0

(Manchester) 23 Dis 2022 – Laacib ka tirsan kooxda Man United ayaa la xaqiijiyey inuusan dhimir ahaan boqolkiiba boqol ahayn sida uu caddeeyey khabiirka kooxdaasi ee dhinaca cilmi-nafsiga ciyaaraha.

Laacibkaasi waa Jadon Sancho oo ay u badan tahay in aanu diyaar u ahayn kulanka ay Manchester United la leedahay kooxda Nottingham Forest ee xilliga fasaxa Christmas-ka iyadoo uu xiddiga England uu halgan adag ugu jiro baxnaanin jireed iyo mid niyadeed.

Sancho uma ciyaarin United tan iyo bishii Oktoobar, waxaana uu seegay tababarkii qaboobaha ee Spain horraantii bishan sabab la xiriirta macallin Erik Ten Hag oo sheegay inuusan jir ahaan iyo maskax ahaanba diyaar u ahayn inuu ka qayb qaato.

22-jirkan, oo sidoo kale ka nastay baraha bulshada oo uu koontooyinkiisii xannibay, ayaa wuxuu ku sugnaa dalka Holland isagoo la shaqaynaya tababarayaal uu kula taliyey Ten Hag.

United soo laabashada Sancho uma aysan u qabanin waqti xaddidan, laakiin Ten Hag ma filayo inuu ciyaaro kulanka Forest ee Old Trafford Talaadada soo aaddan. ‘U malayn maayo,’ ayuu ku jawaabey ninkan u dhashay dalka Holland markii la waydiiyey in laacibka la heli karo.

Kaddib markii uu Ten Hag uu arrimaha Sancho ku tilmaamay inay yihiin ‘isku-darka dhibaato jireed iyo sidoo kale mid maskaxiyan ama dhimir ah’, waxaa soo baxday todobaadkan in ciyaartooyda United ay la shaqeeynayaan khabiirka cilmu-nafsiga isboortiga ee Dutch Rainier Koers.

Sancho ma uusan ciyaarin tan iyo 22-kii Oktoober xanuun aan la faahfaahin dartiis, waxaana taasi ay walaac ku beertay laacibkan hibada leh ee reer London, xitaa waxaa ay kasii dartay markii uu xirey akoonnadiisa baraha bulshada bishii hore.

Hadalsame Media