Laba laacib oo ka tirsan Xulka England oo ku sigtay in la afduubto (Daawo sida ay wax u dheceen)

0

(London) 23 Dis 2022 – James Milner ayaa dib u xasuustay waqti cabsi lahaa ee uu ka baqay in isaga iyo Phil Jagielka in la afduubto intii lagu jirey Koobkii Adduunka ee 2014-kii lagu dhigay Brazil.

Dhowr xubnood oo ka tirsan laacibiintii Roy Hodgson ayaa usoo baxay inay xeego golf soo dheelaan intii lagu jirey tartankii Koobka Adduunka ee England lagu reebay heerka group-yada.

Milner, oo xilligaa u dheeli jirey Manchester City, iyo daafacii Everton ee Jagielka balse waxay ku khaldameen inay dib ugu lugeeyaan hoteelkooda, sida uu Milner u sheegay ninkii ay 2014 isku kooxda ahaayeen ee Ben Foster, sida laga sii daayey Amazon Prime show.

“Waxaan marayney waddada, waana soo jeesanney, waxaana aragnay koox rag ah. Waanu jalleecaynay waana socod boobsiinney iyaguna waa naga daba socod boobsiiyeen,” ayuu yiri Milner.

Wuxuu sheegay in “deeto uu baabuur soo ag istaagey. Markaana ay iska dhaadhiciyeen in la afduubtay, oo ay ciyaartu way dhammaatay.”

“Albaabka ayay fureen, waana wiilashii amniga oo nagu yiri “dhaqsada oo soo gala!” Waanu ku soo boodney, oo waxay noo qaadeen hoteelkii.’ Ayuu raaciyey.

Hadalsame Media