LA ISKUMA SALAAMIN: Benzema oo Instagram-kiisa ka tuuray dhammaanba xiddigaha Xulka France marka 5 qura laga reebo (Magacyadooda?)

0

(Madrid) 23 Dis 2022 – Dhacdadii ka dhalatay diritaankii Karim Benzema ee Koobka Adduunka ayaa sii socota kaddib markii uu xiddigga Real Madrid uu tuuray ku dhowaad dhamaan asxaabtiisii hore ee France ee barta Instagram-ka.

Benzema ayaa loo diray gurigiisa markii uu bilaaban lahaa tartanku kaddib markii uu dhaawac soo gaarey, laakiin waxaa jiray warar sheegaya inuu ku soo laaban karo final-ka kaddib markii uu soo kabtay oo uu u ciyaaray Real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu iska diidey fursad uu kusoo noqon karey kaddib markii ay isku dheceen Didier Deschamps, isagoo dhowaan ku dhawaaqay inuu gebi ahaanba ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah horraantii todobaadkan.

Hadda Marca ayaa werinaysa in Benzema uu tuuray saaxiibadii baraha bulshada, isagoo xooray dhamaan asxaabtiisii hore ee xulka qaranka, marka laga reebo 5 laacib oo kala ah; Eduardo Camavinga, Aurelien Tchouaméni, Kylian Mbappe, Raphael Varane iyo Marcus Thuram.

Camavinga iyo Tchouameni ayaa ah saaxiibada Benzema ee Madrid, halka Varane uu ka garab ciyaari jirey weeraryahankan xilligii Los Blancos.

Hadalsame Media