Ethan Mbappe oo sidii walaalkii la qaban la’yahay & Laacib la barbardhigay (Daawo)

0

(Paris) 23 Dis 2022 – Ethan Mbappe ayaa wacdaro ka dhigay jamaahiirta hortooda kulankiisii labaad ee uu u safto waawaynka PSG, iyadoo jamaahiirtu ay durba barbar dhigeen xiddiggii France ee Koobka Adduunka.

15-jirkani waa walaalka ka yar Kylian Mbappe, oo iminka 24-jir ah, kaasoo ku guulaystay Koobka Adduunka 2018-kii, wuxuuna dhaliyey seddexleey kulankii ugu dambeeyey ee France ay guuldarradu kaga soo gaartey Argentina Axaddii.

Mbappe midka wayn iyo kan yariba waxay ku jiraan diiwaanka kooxda hodanka ah ee PSG, kaddib waxaa uuna wacdaro ka dhigay kooxda da’da yar ee junyarka, kaddibna Ethan ayaa kulankiisii ​​ugu horreeyey u saftay kooxda waawayn qaybtii labaad ee ciyaar saaxiibtinnimo oo ay la ciyaareen kooxda Paris 16-kii Diseembar.

Kaddibna Arbacadii, waxa uu ka qaybqaatay kulan tababar oo kale ahaa oo saaxiibtinnimo oo ay la ciyaareen Quevilly-Rouen, isagoo bedeley Hugo Etitike 20-kii daqiiqo ee ugu dambeeyey.

In kasta oo Kylian lagu yaqaanno orodkiisa farsamadu la socoto, Ethan wuxuu soo bandhigay farsamo badan maadaama uu ka ciyaaro khadka dhexe, waxaana googooskii Rouen, kaas oo lasoo dhigay YouTube, daawaday in ka badan 1.5 milyan oo qof dhanka Twitter-ka.

Mid baa soo qoray: ‘Waxa uu u egyahay Rabiot oo laakiin farsamo badan, ciyaar ahaanna ka haneedsan oo ka qaro wayn. Waa mid da’yar laakiin shaqo haddii uu ku daro, mustaqbal ifaya ayaa sugaya.’

Hadalsame Media