DAAWO: Muuqaal cusub oo ay ku jiraan Guddoonka FIFA & Salt Bae oo aad loo dhaliilay (FIFA oo ku dhawaaqday inay tillaabo ka qaadayso)

0

(Zürich) 23 Dis 2022 – FIFA ayaa qiratay in aanay ahayn in Salt Bae uu garoonka soo galo kaddib dhammaadkii final-kii Koobka Adduunka oo la arkay cunto kariyaha caanka ah oo koobka haysta islamarkaana isku deyaya in uu soo galo dabaaldegga ciyaartooyda Argentina.

Salt Bae, oo ah magaciisa saxdaihi yahay Nusret Gokce, ayaa wuxuu jebiyey sharciga FIFA isagoo taabtay oo muddo haystey Koobka Adduunka kaddib markii Argentina ay rigoorayaal kaga badisay France final-kii xiisaha lahaa ee dhacay Axaddii dhowayd.

Bayaan ay soo saartay FIFA ayaa lagu yiri: “Kaddib dib u eegis la sameeyey, FIFA waxa ay hubinaysey sida shakhsiyaad ay ku heleen galaangal aan munaasab ahayn ay ku yimaadeen garoonka kaddib xafladii xiritaanka KA ee garoonka Lusail ee 18-kii Diseembar.

“Tillaabada gudeedka ku habboon ayaa la qaadi doonaa.”

Dhanka kale, waxaa soo baxay muuqaal kale oo tusaya Guddoonka FIFA, Gianni Infantino iyo Salt Bae oo isla jooga makhaayadda kariyahan ee magaalada Dubai iyagoo samaynaya cusbadii lagu sayri jirey busteekiga caanka ah ee Salt Bae islamarkaana uu Gudodonka FIFA amaan kala dul dhacayo kariyahan, taasoo ay dad badani dhaliileen.

Infantino ayaa la arkayaa isagoo leh: ‘Mr Nusret. Waxaad tahay lambarka koowaad. Midka ugu wanaagsan inta ugu fiican. Waa fiid aan la ilaawi karin oo aan Dubai ku qaatay waana soo laaban doonaa. Halyeeyga – waxaad tahay lambarka koowaad.’

Hadalsame Media