5 maalin uun kaddib dhamaadkii Koobka Adduunka waxaa durba lasoo saaray LOOGADA Koobka Adduunka 2026-ka + Sawirrada astaanta

0

(Hadalsame) 23 Dis 2022 – Saxaafadda ayaa daaha ka qaadday qaabka ay noqonayso astaanta loo qaadan doono Koobka Adduunka 2026, kaasoo lagu qaban doono woqooyiga America, gaar ahaan dalalka Maraykanka, Canada iyo Mexico oo wada martigelinay.

Astaanta tartanka Koobka Adduunka 2026-ka ayaa ah mid qaab koob leh, sidii uu xaalku soo ahaa sanadihii dambe, waxaana ay xambaarsan tahay midabada saddexda waddan ee martigelinaya tartankan caalamiga ah.

Koobka Adduunka 2026 ayaa markii ugu horreeysay lagu qaban doonaa saddex waddan, iyadoo sidoo kale markii ugu horreeysey 48 xul ay ka qaybgelayaan kuwaasoo loo qaybiyey 16 guruub, jeer uu guruub kastaa ka kooban tahay 3 kooxood, waloow ay FIFA dhowaan sheegtay inay wax ka bedelayso oo ay afar kusoo celin karto. Halkan ka aqri…

Xiriirka Caalamiga ah ee Xiriirka Kubadda Cagta (FIFA) ayaa sidoo kale daraasaynaya qorshe wax looga beddelayo nidaamka Koobka Adduunka 2026, iyagoo ka cabsi qaba badashada ciyaaraha oo lagu tilmaamay kuwo ”dilaya ciyaartooyda” oo ay nasiinadu kusii yaraanayso.

Waxaa xusid mudan in Koobka Adduunka 2022 ay 5 maalmood uun kahor hanteen Xulka qaranka Argentina, kaddib markii ay rigoorayaal 4-2 ah kaga adkaadeen xulka Faransiiska ciyaartii ugu dambaysay oo caadiyan ku idlaatay 3-3.

Hadalsame Media