”Yaa Ronaldo u baahan?” – Taageerayaasha Man United oo bahdil ku bilaabay CR7 kaddib guushii xalay (Fal-celin kajan ah)

0

(Manchester) 22 Dis 2022 – Taageerayaasha Manchester United ayaa kusoo qulqulay Twitter-ka si ay u soo dhoweeyaan Marcus Rashford iyo goolkii qurxoonaa ee uu ka dhaliyey Burnley koobka Carabao Cup iyadoo 2-0 ku garaacday si ay u gaarto wareega 8-da.

Rashford ayaa kubadda kasoo qaatay qayb-garoonka kooxdiisa kahor inta uusan kula dhex ordin kooxda Burnley islamarkaana uusan kubadda ka dhex toogan xerada ganaaxa si uu u labeeyo gool ay hoggaanka ku haysey kooxdiisu qaybta labaad ee kulankaasi.

Taageerayaasha ayaana si deg deg ah wiilkan u barbar dhigay Cristiano Ronaldo markii uu da’da yaraa – tiiyoo ay jirto in shalay ay kooxdiisii hore u samaysay sagootin yara qabow oo ka kooban 81-eray oo qura.

Mid ayaa soo qoray: ‘Yaa u baahan Ronaldo marka aad haysato Marcus Rashford MBE?’

Hadalsame Media