”Tani ma aha Muqdishadii ay noo sawireen BBC & CNN” – Dadka Afrikaanka oo si filan waa ah uga fal-celiyey muuqaalka Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 22 Dis 2022 – Bogga Mbamali oo ah baloog gaar ah oo aad uga hadla Afrika ayaa soo qaatay sawirrada jidad ka tirsam magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia oo waloow ay gaabis tahay marka ammaanka iyo siyaasadda wareersan la eego misna kasoo doogaya dagaallo sokeeye oo la degey.

Waxaa markiiba si filan waa ah kaga fal-celiyey dadka Afrikaanka ah oo muujiyey sida ay ula yaabban yihiin inay Muqdisho sidaa u taallo tiiyoo ay sheegeen inay mar kasta ka maqlaan khabar muujinaya inay wax kastaahi burbureen.

Qaar badan ayaa ku celceliyey hal faallo oo ah ”Ma aha Muqdishadii ay noo sawireen CNN iyo BBC.”

Halka qaar kale ay ku doodeen inaysan ”filaynin in meel Somalia ku taallaa ay sidan u ekaan karto”, halka qaar kale ay rajo ka muujiyeen mustaqbalka Somalia iyagoo ku doodaya in dadka Soomaalidu ay yihiin dad ”wax soo saar leh” haddii ay ammaan helaan.

Halkan hoose ka eeg farriimaha fal-celinta ah…

Hadalsame Media