Shiinaha oo soo kordhiyey bariis qaab cusub u baxaya & Daah-furyada ah cilmiga ah ee sanadkan 2022

0

(Hadalsame) 22 Dis 2022 – Wargeys cilmiyeedka Science oo sannad walba shaaciya tobanka horumar ee cusub ee cilmiga la ga gaadhay wax uu daabacay tobankii tallaabo ee sannadkan u gu mudnaa.

Guulahaa wargeysku wax uu u gu horraysiiyay diiradda awoodda badan ee James Webb Telescope ee sannadkan samada loo diray, si ay koonka u ga soo qabato muuqaallo fogaantoodu cajab lee dahay.

James Webb imika wax ay sii socotaa fogaan gaadhaysa 1.5 milyan oo kiiloomitir, wax ayna koonka ka soo dirtay sawirro ashqaraar badan. Kaalinta labaad ee horumarka cilmiga sannadkan waxaa galay bariis cusub oo beeristiisu Shiinaha ka hirgashay loona bixiyay Perennial Rice 23.

Waa bariis aan u baahnayn in mar walba dib loo abuuro ee geedkiisu jirayo oo midhaha bixinayo marar badan, shaqada gelaysaana aad u yar tahay. Kaalinta saddexaad waxaa la siiyay horumar cusub oo la ga gaadhay farsamada loo yaqaan Artificiell intelligens (AI), taas oo la gu guulaystay in ay hadal qoraal ah u rogto sawir ah waxii qoraalku ka hadlayay.

Waxaa la helay nooc bakteeriyo ah taas oo bakteeriyadii la yaqaannay ka weyn 5000 oo jeer Waxaa meel fiican maraya tallaal ka hortag ah fayraska keena cudurka dadka neerfaha ka ga dhaca ee curyaamiya magaciisuna yahay Respiratory Syncytial Virus (RSV).

Fayras la ogaaday in uu kaalin weyn ku lee yahay cudurka la yidhaahdo Multiple Sclerosis (MS), ayaa isagana tallaal ku habboon loo helay. Innagu weli tallaal u ma aynnaan helin kelitasnimada, dawlad xumada iyo iimaan la’aanta siyaasadeed.

W; D: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media