BAAJAAW: Waxay iyaga oo aan neefsan biyaha ku jiri karaan muddo dheer + Sawirro (Maxay tahay sababta ay sidan u noqdeen?)

0

(Hadalsame) 22 Dis 2022 – Qabiilada baajaaw waxay degaan meel u dhaxeysa indonesia, malaysia iyo Philippine. Qabiilladani waa kuwo inta badan noloshooda ku qaataan biyaha badda korkooda.

Biyaha dushooda ayey ku dhashaan, ku koraan, ku guursadaan ugu dambeyna biyaha korkooda ayey ku dhintaan meydkoodana badda dhexdeeda ayaa lagu tuuraa. Waxaa lagu naaneysaa reer miyigii badda.

Waxay deggan yihiin guryo sida doomaha oo kale ah oo biyaha dushooda laga dhisay, kuwaasoo alwaaxyo iyo qoryo la isku kab-kabay ka samaysan.

Dadka qabiilkani waxay awood u leeyihiin inay biyaha badda ku dhex jiraan 30 daqiiqo iyaga oo aan neefsan oo wax oksajiin ahna qaadan, halka dadka caadiga ah aysan biyaha ku dhex jiri karin ugu badnaan 3 daqiiqo neefsi la’aan.

Waxaa jirta sheeko ah in qabiilkani markii hore dhulka berriga ah deganaan jireen oo sida dadka caadiga ah oo kale beero iyo xoolo dhaqan jireen, dabadeed boqorkoodii ayaa gabar uu dhalay baddu qaadatay oo meel ay jaan cirib dhigtay la waayey, markaas ayuu boqorkii qabiilkan ku amray inay gabadhii baadi goobaan oo aysan soo laaban iyagoo gaabdhii wadin.

Deeto, qabiilkan baajaawiyiintu waxay bilaabeen inay badda galaan oo gabadhii baadi-goobaan, balse markii ay ku fashilmeen inay gabadhii soo helaan ayey go’aansadeen inay badda iska dhex degaan, maadaama ay ka baqayeen inay boqorka u laabtaan iyagoo gabadhii aan soo helin.

Qabiilkan 95% waa islaam, inkastoo ay haysaan caadooyin shareecada islaamka baal-marsan oo ay awooweyaashood ka dhaxleen.

W; D: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media