XOG: Sababta caawa loo xirey jidadka Muqdisho & Dadwayne go’doonsan + Sawirro

0

(Muqdisho) 21 Dis 2022 – Waxaa caawa xiran jidadka muhimka ah ee magaaladda Muqdisho, xilli dadka xitaa loo diidey inay lugeeyaan iyadoo jidadka lagu gooyey beebayaal.

“Caawa waxay u egtahay inaan seexan rabo KM4, waayo lugtii xitaa waa naloo diidey.” Ayuu ku calaacalay mid ka mid dhallinyarada Muqdisho.

Ma jirto xog rasmi ah oo ku saabsan sababta jidadkan loo xirey, balse xogo hoose ayaa tilmaamaya in la agaasimayo ciidankii maanta la keenay magaalada Muqdisho.

Wararka aannu helayno ayaa tibaaxaya in ciidanka laga keenay Eritrea oo ay ilaa shalay duhurkii ilaa maqribkii waddadu u xirnayd ee soo degayey caawa fiidkii 9:00 PM markale jidadkan loo xirey.

Xogaha qaar ayaa waxay sheegayaan in ciidanka loo daabulayo meelo ay ka mid yihiin Wasaaradda Gaashaandhigga, Isbitaalkii hore ee Xoogga IWM.

Dadwaynaha ayaan horay loo ogaysiin in jidadka la xirayo iyadoo ay dad badani jidadka ku xanniban yihiin.

Si kastaba, nidaamka hadda jira ayaa beri aad u dhaliili jirey in jidadka la xiro.

Hadalsame Media