“Siyaasadiinna maangaabnimada ihi waxay keenaysaa inaan is fara saarno!” – Ruushka oo furka ku xooray Maraykanka (Been uu sheegay?)

0

(Moscow) 21 Dis 2022 – “Siyaasadda khatarta ah iyo maangaabanimada Washington” ayaa keenaysa in “qarka loo saaran yahay isku dhac toos ah” oo dhex mara iyada iyo Moscow, ayay tiri afhayeennadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka, Maria Zakharova.

Zakharova ayaa u jawaabaysey afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Ned Price, oo ku eedeeyay Ruushka todobaadkii hore inuu xiriirkii labada dal ka dhigay mid “aan deganayn oo aan la saadaalin karin.”

“Washington iyada lafteeda ayaa “dhab ahaantii aad ugu dadaashey” inay xiriirka ka dhigto mid aan xasilloonayn oo aan la saadaalin karin, iyadoo kicinaysa xiisadda,” ayay raacisay Zakharova.

“Waa rabitaanka Maraykanka ee ku dhisan inay sii jirto saamaynta Maraykanku qiimo kasta oo ay ku kacdo… iyo sidoo kale rabitaan la’aantiisa kibirku ku dheehan yahay ee uu diidayo inuu galo wadahadal dhab ah oo ku saabsan dammaanad qaadka amniga” taasoo horseedday xiisadda hadda jirta,” ayay tiri afhayeennadda oo caro la qaacaysa.

Ruushka ayaa ugu baaqay Maamulka Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden inay ka fogaadaan inay xaaladuhu sii xumaadaan, sida ay soo jeedisey Zakharova.

Waxay intaa ku dartay in Moscow ay weli rabto in ay dejiso xiisadda ayna u furan tahay inay kala hadasho Maraykanka heerar kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka ayaa si cad uga been sheegay xiriirka la leeyahay Ruushka, sida Zakharova ay sheegtay.

Toddobaadkii hore, Price wuxuu sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Antony Blinken uu wali la xiriiro Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergey Lavrov.

Zakharova ayaase hadalkaasi ku tilmaantay mid been abuur ah, iyadoo intaa ku dartay in markii ugu dambaysey ee ay labada diblumaasi wadahadlaan ay ahayd 29-kii Luulyo.

Warkan ayaa imanaya xilli uu Maamulka Biden xaqiijiyey in Maraykanku uu Ukraine siin doono nidaamka difaaca hawada ee Patriot, taasoo ah siyaasad xaaladda kicin karta.

Hadalsame Media