FIFA oo Ronaldo GODOB ka gashay balse faraha uga gubatey (Tillaabo quus ah oo ay kaddib qaadday)

0

(Zürich) 21 Dis 2022 – Xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA akoonkiisa rasmiga ah ee Koobka Adduunka lagu khasbay inay ka tirtiraan laba qoraal oo ay soo dhigeen gaar ahaan bartooda Twitter-ka kuwaas oo u muuqdey kuwo lagula maadsanayo Cristiano Ronaldo.

Kaddib markii uu kayd ka galay xulkiisa Portugal tiiyoo ay uga sii horreeysey Manchester United oo albaabka tustay odaygu wuxuu ku sugnaa duruufo qallafsan, umana muuqan in bilihii ugu dambeeyey uu xaalku u samaa Ronaldo.

Si kastaba ha ahaatee, waxay sheekadu kusii xumaatay markii uu Koobkii Adduunka qaatay Lionel Messi islamarkaana uu jebiyey rikoodhkii u yaalley like-ta Instagram-ka, waxaase nabrihiisa cusbo kusii shubtay FIFA oo si ay xirfaddu ku yar tahay ula safatay Messi.

Mid waxay soo dhigeen Ronaldo oo suulka taagaya iyagoo ku dul qoray ”inuu gacanta taago haddii uu ka helay Koobka Adduunka”, mid kalena waxay ku sheegeen ”in haatan lagu kala baxay Xiddiga ugu Wanaagsan Dunida.”

Arrintan oo bilaa dhadhan ay dad badani u arkeen ayaa weerar wayn kala kulantay baraha bulshada taasoo keentay inay FIFA tirto labada qoraalba.

Hadalsame Media