Dufcaddii ugu horreeysey ee ciidamadii jirey Eritrea oo soo degey (Goorta la dhamaystirayo?)

0

(Muqdisho) 21 Dis 2022 – Wararka naga soo gaaraya Muqdisho, waxaa goor dhow Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde kasoo degtey diyaarad sidda qaybtii ugu horreeysey ee ciidamadii Soomaaliyeed ee tababarka kusoo qaatay dalka Eritrea, balse sababaha aan weli la sharrixin halkaa ugu xayirnaa.

Waxaa ciidamadan Garoonka Muqdisho uga hortegey oo kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah iyo saraakiil ciidan oo kala duwan.

Ciidamada hordhaca ah ee maanta Muqdisho ka degey ayaa tiradooda lagu sheegay inay gaarayaan illaa 400 oo askari, kuwaas hordhac u ah inta harsan ee iyaguna kasoo degaya magaalada.

Madaxwaynaha DF Somalia oo laba jeer iskaga daba laabtay Eritrea, ayaa maalin dhowayd sheegay in dhowaan la soo bilaabayo imaanshaha ciidamadan, islamarkaana la soo dhamaystirayo illaa bisha Janaayo oo ah horraanta sanadka xiga.

Dhallinyaradaan oo ay ku hareeraysan yihiin waxyaabo badan oo aan ilaa haatan xog buuxda oo xareedaysan laga haynin ayaa dalka Eritrea ku maqnaa muddo ku dhow afar sanadood, taasoo dabcan aad uga badan waqtiga tababar lagu maqnaan karo, waxaana jirey warar badan oo ay xitaa ku jireen inay ku le’deen dagaalka Itoobiya oo ay sheegi jireen dad uu xitaa ku jiro MW Somalia laftiisu.

Hadalsame Media