Cristiano Ronaldo oo maray xaalad murugo badan & Sir cusub oo la kashifay

0

(Lisbon) 21 Dis 2022 – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa koox la’aan ahaa iyadoo ay maanta soo baxday inuu ku biirayo kooxda Al Nasri ee dalka Sucuudiga.

Ha yeeshee, waxaa soo baxday in loosoo bandhigay ku dhowaad koox kasta oo fasalkan ciyaaraysa CL, xitaa kooxda Eintracht Frankfurt xilligii uu isku dayayey inuu ka tago Manchester United horraantii xilli-ciyaareedkan, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee kooxda Jarmanka.

Halyayga 37-jirka ah, ayaa haatan laga sii daayey qandaraaskiisii Man United bishii Nofeembar 22-keedii si weliba qaraar oo aan qurxoonayn, kaddib waraysigii ka dhanka ahaa kooxda Old Trafford ee qarxiska ahaa ee uu la yeeshay Piers Morgan.

Hadda ninkan ka tirsan maamulka Frankfurt, Axel Hellmann, ayaa sheegay in United ay u soo bandhigtay Ronaldo kooxo badan oo Yurub ah si ay uga takhalusaan oo iskaga diraan.

Wuxuu u sheegay DAZN: ‘Xitaa waa naloosoo bandhigay annaga,’ halka Philip Holzer, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Kormeerka ee kooxdan ka dhisan Frankfurt, uu ku daray: ‘Waxaan dareemayaa in loosoo bandhigay koox kasta oo Champions League ciyaaraysa.’

Ronie ayaa xagaagii aad iskugu dayayey inuu ka tago Man U, balse wuxuu waayey koox qaadata, isagoo EL lasii joogey kooxdiisa ilaa ay iyaduna ugu dambayn iska cayriso.

Hadalsame Media