Laacib lagu tilmaamay “mas” ku dhex jirey Xulka Faransiiska oo la kashifay (Dhibka uu u gaystey?)

0

(Hadalsame) 20 Dis 2022 – Xulka Faransiiska ayaa laga sheegayaa laacib warka u kala qaadayey ciyaartooyda iyo macallinka Faransiiska iyo xitaa xulka iyo warbaahinta.

Laacibkaasi waa daafaca Benjamin Pavard ayaa lagu eedeeyey in uu jawi “sumaysan” ka abuuray xeradii Koobka Adduunka ee France kaddib markii ay isku dheceen macallinka kooxda ee Didier Deschamps islamarkaana uu hadallo aan “munaasib ahayn” ka sheegay asxaabtiisa intii lagu jirey guuldarradii ugu dambaysey ee Argentina.

Pavard ayaa lagu soo daray safkii France guushii furitaanka ee ay 4-1 kaga badiyeen Australia, balse kaddib markii lagu bedeley Jules Kounde dib dambe looma tusin garoonka oo Kounde ayaa bara bixiyey waloow laacibkan Barcelona uusan ahayn dadab midig oo sax ehe uu yahay daafac dhexe.

Laga soo bilaabo wakhtigaas Qatar, Deschamps wuxuu ku dhegay Kounde oo ah dooqa koowaad ee daafaca midig inkastoo daafaca Barcelona uu yahay daafac dhexe oo dabiici ah.

Warqaadka Faransiiska ah ee L’Equipe ayaa sheegay inuu dhaleecayn kala kulmay Didier Deschamps iyo asxaabtiisa kale kaddib guushii Australia, inkastoo xiddigaha rugcadaaga ah ee Olivier Giroud iyo Hugo Lloris la sheegay inay taageero u muujiyeen ciyaaryahanka.

Laakiin sida laga soo xigtey saxafiga reer France ee Romain Molina, Pavard waxa uu dhibaato wayn ka gaystey qolka lebbiska ee France xilligii Koobkii Adduunka, iyada oo ay saaxiibadiis ku eedeeyeen in uu xogta gaarka ah u gudbinayey saxaafada oo uu dhowr weriye xiriir kala leeyahay.

Xiddiga Bayern Munich ayaa markii ugu horreeysey la sheegay inay isku dheceen Deschamps, inkastoo markii hore xubnaha kale ee qolka labisku ay u arkayeen mid ka mid ah ciyaartooyda uu jecel yahay macallinku.

Yeelkeede, markii ay laacibka dhaliileen Deschamps iyo howlwadeennadiisa tababarku, Pavard ayaa la sheegay inuu diidey inuu aqbalo hadalkooda, islamarkaana wuxuu muujiyey xanaaq daran, taasoo keentay muran xooggan oo ka dhashay qolka lebbiska.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la fahamsan yahay in arrimuhu ay faraha kasii bexeen final-kii Axadii ee ay ka badisay Argentina, iyadoo Deschamps uu ‘ereyo kulul’ kula hadlay ciyaaryahanka kaddib markii la maqlay isagoo hadallo ‘aan ku haboonayn’ ka sheegaya saaxiibadiisa fadhiya kursiga kaydka.

Ficillada Pavard ee Qadar ayaa niyad jab wayn ku noqday tababaraha iyo howlwadeenkiisaba, kuwaas oo aaminsan inay u turayeen dhowr sannadood inkasta oo uu muujinayey bandhig aan sidaa u ridnayn.

Wararka ayaa sheegaya in 26-sano jirkan ay saaxiibadiis sidoo kale aad uga caroodeen hab-dhaqankiisa oo ay xitaa ku eedeeyeen inuu si gaar ah saxaafadda ugu dusinayey xogaha ku dhow Xulka Faransiiska, isagoo iminka lumiyey kalsoonidii lagu qabey, sida uu qoray L’Equipe.

Pavard oo uu haatan halis ku jiro mustaqbalkiisa xulka, ayaa ka mid ahaa geesiyaashii kula guulaystey Koobka Adduunka France 2018, isagoo kusoo bilowday lix ka mid ah todobadii kulan ee ay ku ciyaareen Russia.

Waxa uu sidoo kale ku soo bilowday seddex ka mid ah afartii kulan ee ay ciyaareen Euro 2020, laakiin Kounde ayaa laga doorbiday daafaca midig xilii KAQadar.

Hadalsame Media